"Boqorka dadka musuqmaasuqa" oo dhageysiga kiiskiisa dib loo dhigay

Image

CAPTE TOWN, South Africa - Maxkamadda Sarre ee South Africa ayaa dib u dhigtay dhageysiga gal-dacwadeedka ku saabsan musuqmaasuqa ee ka dhanka ah Jacob Zuma.

Xeer-beegtadda wadankaas ayaa waxay muddeysay in dhageysiga gal-dacwadeedkan uu bilaaban doono 4-ta bisha Febraayo.

Zuma, madaxweynihii hore ee dalkaas kaasoo loo haysto lunsashadda lacag gaareysa 270-kun oo Doollar ayaa la doortay 2009-kii.

Balse kadib eedeymo musuqmaasuqa waxaa xisbigiisa ANC uu ku qasbay in uu xafiiska daneeyo, waxaana bedelay Cyril Ramaphosa, sanadkii hore.

Lacagahan ayaa la sheegayaa in uu is-dabamarin ku sameeyay 1999-kii kadib heshiis milatari oo uu la galay shirkad laga leeyahay Faransiiska.

Jacob Zuma oo beeniyay in uu qalad sameeyay ayaa ku doodey in eedeymihiisa ay yihiin kuwa siyaasadeysan, wuxuuna saluug ka muujiyay dib u dhigista badan.

Thuli Madonsela, madaxii hore ee Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa ku eedeeyay Zuma in uu danihiisa gaarka ah ka horumariyey danta guud.

Kooxdiisa sharciga ayaa haysata illaa iyo bisha dambe si ay racfaan uga qaataan waqtiga cusub ee loo muddeeyay dhageysiga galkan.

"Waxaan xaqiijin lahaa, oo aan ku tilmaami lahaa in uu yahay boqorkii dadka musuqmaasuqa," ayuu Madonsela, sidda ay kasoo xigtay saxaafadda maxaliga ah.

Ramaphosa, oo warbaahinta la hadlay kadib guushiisa, ayaa wacad ku maray in uu xididaha u siibi doono musuqmaasuqa sameeyay dhaqaalaha wadankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM