Burcad-badeed afduubatay markab ay saaran yihiin 16 shaqaale ah

Image
Markabkan qaada shidaalka oo laga leeyahay Denmark ayaa ku safrayay calanka dalka Liberia.

NAIROBI, Kenya - Markab laga leeyahay dalka Denmark ayaa kooxo burcad badeed ah waxa ay ka afduubteen gacanka Guinea gaar ahaan meel u dhow xeebta Congo-Brazzaville, sidda ay warisay saxaafadda.

Shirkadda maamusha maraakiibta ayaa sheegtay in 16-ka shaqaalaha markabka ay magangalyo ku haystaan qol ammaan ah oo ku dhex-yaalla markabka Monjasa Reformer.

Xoogag hubeysan ayaa Sabtidii bilaabay inay weeraraan markabka saliida iyo kiimikalka qaada oo wata calanka Liberia, xilli ay in ka badan 100km (62 mayl) dhanka galbeed kaga beegan tahay dekedda Pointe-Noire.

Maraakiibta shisheeye ee isaga kala goosha badda Congo-Brazzaville ayaa kordhiyay roondooyinka labadii sano ee u dambeeyay ka dib markii ay soo bateen weerarada burcad badeeda.

Illaa haatan, ma jirto wax war ah oo ku saabsan qafaalashada markabka oo kasoo baxay dhinaca kooxda hubeysan wallow aysan waliba jirin koox si rasmi ah u sheegatay afduubkan.

Inta badan kooxaha afduubta maraakiibta ayaa waxay dalbadaan lacag madax-furasho ah oo ay kusii daayaan gabi ahaanba markabka iyo howlwadeenadda kale ee saaran.

Danmark - oo ah waddan fure u ah warshadaha maraakiibta caalamiga ah - ayaa maraakiibta geysay gacanka Guinea 2021 waxayna la baxday sannadkii hore ka dib markii Ruushku weeraray dalka Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM