Burkina Faso: In ka badan 10 qof oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Gobolkan ayaa caan ku ah kooxo hubeysan oo fuliyay dhowr weerar oo qaarkood lala beegsaday kaniisado.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 15 qof oo kamid ah dad ku sugnaa kaniisad Katoolig ayaa lagu dilay tuulo ku taal Burkina Faso ka dib markii rag hubaysan ay weerareen goob ay dad badan isugu soo baxeen.

Kaniisadan oo ku taal gobolka waqooyi ee ay colaaduhu ka jiraan ee dalkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha kaniisadaha oo soo saarey war-saxaafadeed wadajir ah.

Falkan Axaddii ka dhacay tuulada Essakane waxay ahayd "weerar argagixiso" oo ay ku dhinteen 12 qof oo ku sugnaa goobta, halka saddex kalena ay dhinteen iyaga oo laga daweynayay dhaawacyadooda.

Gobolkan ayaa caan ku ah kooxo hubeysan oo fuliyay dhowr weerar oo qaarkood lala beegsaday kaniisado ay leeyihiin dadka Kirishtaanka ah halka kuwa kalena ay ku lug lahaayeen afduub loo geystay wadaado.

Ku dhawaad ​​kala bar waddanka Burkina Faso ayaa waxa ay ka baxsan tahay gacanta dowladda, maadaama kooxaha hubeysan ay dalkaasi burburiyeen muddo sanado ah.

Maleyshiyaadka hubeysan ayaa dilay kumannaan qof, waxayna barakiciyeen in ka badan laba milyan oo qof, taasoo sii khatar gelinaysa xasilloonida qaranka, oo sannadkii 2022-ka la kulmay laba afgambi.

Hogaamiyeyaasha militariga ee dalka ayaa la halgamayay soo celinta nabadda meelaha ay rabshaduhu ka dhaceen tan iyo afgambigii ugu horreeyay ee Jannaayo 2022.

Tirada dadka ay dileen kooxaha hubeysan ayaa ku dhawaad ​​saddex jibaarmay marka loo eego 18-kii bilood ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin August 2023 ay soo saartay Xarunta Istiraatiijiyadda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM