Calool-u-shaqeystayaasha Ruushka oo "hurinaya" colaadda Suudaan

Image
Sawirro lagu qaadey dayax-gacmeed ayaa muujiyey in kooxda Wagner ay hub siineyso xoogaga RSF.

KHARTUUM, Suudaan - Kooxda calooshood-u-shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ayaa ku lug leh colaadda Suudaan, sidda ay illo wareedyo diblomaasiyadeed - heer maxali iyo heer gobol - u sheegeen CNN.

Sidda laga soo xigtey warbixinta oo ku saleysan sawirro uu qaadey dayax-gacmeed, Wagner Group ayaa Xoogaga Gurmadka Degdegga ah Suudaan (RSF) waxay ku hubeynaysaa gantaallo.

Illo-wareedyada ayaa intaas ku daray in gantaalada hawada sare ay si weyn u caawiyeen dagaalyahanada RSF-ta iyo hogaamiyahooda Mohamed Hamdan Dagalo ee dagaalka kula jira General Abdel Fattah al-Burhan, oo ah taliyaha militariga Sudan iyo madaxa ciidamada qalabka sida.

Sawiradda dayax-gacmeedka ayaa caddeynaya in sahayda hubka laga soo gudbinayo dhinaca xuduudka Liibiya halkaasoo uu gacanta ku hayo hogaamiye-kooxeedka awooda badan ee Khalifa Haftar.

Muuqaaladda dayax-gacmeedka ayaa sidoo kale waxay caddeynaynaa in dhaqdhaqaaqyadda ciidan ee ka socdey xerooyinkan uu kordhay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay taasoo tuhunka sii kordhisay.

Haftar oo dagaal ba'an kula jira dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa waxa uu marti-geliyaa saldhigyo ciidan oo ay adeegsadaan calooshood-u-shaqeystayaasha Ruushka

Dagalo iyo Burhaan ayaa isku-haya cidda yeelanaysa gacanta koowaad ee xukunka Suudaan. Labada nin ayaa markii hore ku midoobay in ay ridaan nidaamkii Cumar Xasan Al-Bashiir balse kalkii dambe ayay is-maan-dhaafeen.

Iska-hor-imaadyada qarxay Sabtidii todobaadkan sii dhamaanaya ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof, waxaana malaayiin qof ay ka waayeen koronto, biyo iyo cunto.

RSF oo war-saxaafadeed u dirtey telefishinka CNN ayaa ku beenisay in ay taageero milatari ka heleen Ruushka iyo Liibiya. Laakiin, madaxa Wagner, Yevgeny Prigozhin, ayaan ka jawaabin codsiyadda loo diray.

Wagner Group ayaa ah shirkad milatari oo Ruushka uu u adeegsado in uu ku farageliyo wadamada caalamka. Reer Galbeedka waxay ku eedeeyeen in ay gabood-falo ka geystay dalal badan oo ku yaala Afrika iyo Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan oo u yeertay safiirkeeda Kenya kadib Shirkii RSF ee Nairobi

Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum.

  • Afrika

    21-02-2025

  • 12:37PM

Kenya oo ka jawaabtay eedeyn uga timid dowladda militeriga Sudan

Dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Sudan iyo xoogagga RSF ayaa sababay dhimashada in ka badan 24,000 oo qof.

  • Afrika

    20-02-2025

  • 12:44PM