Caasimada Itoobiya oo martigelisay aroos wadareed ballaaran

Image
Boqolaal lamaane ah ayaa isugu soo baxay Addis Ababa si ay uga qayb qaataan xaflada meher wadareedkan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Boqolaal lamaane ah ayaa isugu soo baxay caasimada dalka Itoobiya si ay uga qayb qaataan xaflada meher wadareedkan oo ah tii ugu horaysay muddo toban sano ah, sida ay sheegeen qabanqaabiyayaasha iyo ka qayb galayaasha xaflada.

Lamaanayaasha oo ku labisan dharka cad cad ee hiddaha iyo dhaqanka ah, ayaa intii aanay xafladda bilaaban waxay heeso iyo qoob ku ciyaareen waddooyinka bannaanka ka ah goobta ay xafladda ka socotay.

Yakob Tesfaye iyo Lidet Tagel, oo labadooduba 21 jir ah, waxay u socdaaleen Addis Ababa iyagoo ka soo kicitimay gobolka ku yaalla galbeedka dalkaas ee Gambella si ay uga qayb galaan xafladda.

"Tani waa fursad aad u weyn oo aan ku aragno dhammaan qabaa'ilka ka kala yimid gobollo kala duwan, sidoo kale si aan kafaalo-qaad uga helno qabanqaabiyeyaasha sababtoo ah ma haysanno miisaaniyad badan oo aan ku guursano," Yacquub ayaa u sheegay AFP.

Qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay inay aad u danaynayeen inay soo celiyaan aroosyo wadareed ka dib hoos u dhac uu dardar geliyay masiibada Covid-19.

Mashruucaan waxaa maalgeliyay Yament Private Limited iyo warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya ee EBC. Degaanada Soomaalida ee Itoobiya ayaa horey looga hirgeliyey barnaamijkan wallow baaxadiisa iyo tabintiisa ay tahay mid aanan horey loo arag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM