Cagjar oo beeniyay warar si weyn loogu faafiyey warbaahinta
JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa beeniyay in shidaalka laga qodayo qeybo ka mid ah gobolka Qorraxeey uu horseeday cudurro aan horey loo arag.
"Haddii ay soo baxdo in wax ka duwan waxa dadka ay sheegayaan oo ah inay dillaacaan cudurro aan aaggan lagu aqoonin; xukuumadda diyaar bey u tahay in ilaa heer caalami ay la kaashato sidii loo xallin lahaa," ayuu yiri Cagjar.
Sanadkii 2018-dii ayay Itoobiya bilowday in degaanka Soomaalida ay kasoo saarto shidaal, hasayeeshee, hanaanka qaybsiga ayaa waxaa ka dhashay su'aalo fara badan oo maamulka dhaliilo u horseeday.
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ayaa bishii Maajo 2019 waxay daboolka ka qaadey in gobolka Soomaalida laga helay Gaaski ugu badnaa kaasoo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.
Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay Ingiriiska, New Age [African Global Energy Ltd], taasoo heshiis kula jirtay xukuumadda Addis Ababa, ayaa soo saareysa kheyraadkan dabiiciga ah.
Kheyraadkan oo la rajenayo in Itoobiya ay sanadkii ka hesho dhaqaalo ka badan afar bilyan oo dollar-ka Mareykanka ah ayaa waxaa laga helay degaanka Hala-quraan.
Aqalka Sare ee dalka Itoobiya ayaa horey u meel-mariyey xeer qabyo ah kaasoo qeexaya qoondada gobolka Soomaalida uu ku yeelanayo kheyraadka halkaasi laga soo saaro.
Saxaafadda maxaliga ah ayaa tabisayin sharcigaasi oo ay soo daarisay Wasaaradda Bartoolka uu xeerinayo in gobolada shidaalka laga soo saaro ay yeelan doonan qoondo dhan 50%.
Sidda ku cad hindisahaasi, dowlada federaalka ayaa yeelaneysa 25% oo uu qeyb ku leeyahay gobolka kheyraadka laga helay halka qeybta kale ee soo hartay oo ah 25% loo qeybinayo gobolada kale.
GAROWE ONLINE