Cagjar oo sagootiyey ciidan ku biiraya gulufka ka dhan ah TPLF

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JIGJIGA, Somali Galbeed - Ismaamulka Soomaalida ee ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya ayaa wuxuu ciidamo ku biiriyey gulufka ka dhanka ah xoogaga TPLF ee dagaalka kula jira xukuumadda Abiy Axmed Cali.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa Sabtida maanta ah wuxuu hogaamiyey sagootin loo sameeyay ciidamaddan taasoo ka dhacdey magaala madaxda Soomaali Galbeed ee Jigjiga.

"Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, madaxa Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Barwaaqo, Maxammed Shaalle, dhammaan masuuliyiinta kaabineedka, cuqaasha iyo odayaal dhaqameedka Deegaanka Soomaalida ayaa maanta sagootiyey Ciidanka Gaarka Ah Ee DDS oo ka qeyb-qaadan doona hawlgallada qaran ee lagaga hortagayo argagixisada TPLF," ayuu yiri telefishinka ku hadla afka dowlad degaanka.

TPLF ayaa dhowaan dib ula wareegtay magaalada caasimadda ah ee Maqale kadib bilooyin ay la dagaalamayeen ciidamadda federaalka oo kusoo duulay degaankooda bishii November ee sanadii lasoo dhaafay.

Talaabadda ismaamulka Soomaalida ayaa daba socda baaq ay xukuumadda Abiy Axmed u dirtey dowlad goboleedyadda oo ku saabsan in ay ciidamo ku taageeraan gulufka ka dhanka ah jabhadda TPLF ama TDF.

Dhanka kale, Ismaamulka Tigray ayaa soo saarey bayaan uu ku beeninayo eedeymaha sheegaya in caruurta askar ah ay ka mid yihiin ciidamada TDF ee dagaalka kula jira ciidanka difaaca Itoobiya iyo dhigooda Eritrea ee ku sugan gobolkan ay colaadda ka oogan tahay muddo ku dhow hal sano.

Dhawaqa TPLF ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ah ee Itoobiya ay dhowaan eedeyn arrintaas la xiriirta u jeedisay jabhadda isla markaana ay faafisay sawirro muujinaya askar ka barbar dagaalaemeysa ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Mar Lixaad U Tartamayo Doorashada Jabuuti 2026

Geelleh ayaa xilka kala wareegay Hassan Gouled Aptidon — oo Jabuuti u horseeday xorriyadda Faransiiska 1977.

  • Afrika

    24-05-2025

  • 06:21PM

Muhaajiriin laga masaafuriyay Mareykanka una socday South Sudan oo lagu xannibay Jabuuti

Hadda, muhaajiriintan waxaa lagu hayaa xarun ay maamusho Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) oo ku taalla Jabuuti.

  • Afrika

    24-05-2025

  • 12:09PM