Canfarta oo ka faa'iideystay ciidanka Cagjar u diray Tigray
ADDIS ABABA, Ethiopia - Mas'uuliyiinta gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa Talaadadii sheegay in boqolaal rayid ah la dilay kadib markii xoogag maleeshiyo ah oo kasoo jeeda gobolka Canfarta ee dariska la ah ay weeraro ka geysteen halkaas.
Tiro badan oo ka mid ah maleeshiyada gobolka Canfarta ayaa Sabtidii ka soo talaabay xadka dhinaca Soomaalida oo ay ka geysteen weeraro, taasoo dhalisay dagaal qaraar oo labada dhinac dhex maray.
Weli ma cadda sababta maleeshiyada Canfarta ay u soo qaadeen weerarada lama filaanka ah laakiin labada gobol ayaa muddo dheer ku muransanaa dhulal.
Afhayeenka dowladda deegaanka Soomaalida, Cali Bedel oo u waramay warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in weerarro lagu qaaday degaanka Sitti ee aagga Gedamaytu iyo Gabraiisa.
Jidad muhiim ah ayaa la xiray
Cali ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in maleeshiyo hubaysan oo ka soo jeeda gobolka Canfarta ay fuliyeen "xasuuq" Sabtidii taasna ay keentay in boqolaal rayid ah la laayo. Ma uusan cadeynin tirada dadka wax ku noqday weeraradaasi.
Hase yeeshee, illo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan gobolka ayaa u sheegay Nation Africa in in ka badan 300 oo qof la dilay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay. Warku wuxuu intaa ku daray in ciidamada Canfartu ay u geysteen waxyeelo culus kaabayaasha dhaqaalaha isla markaana ay ka bililiqeysteen guryaha.
Waa wakhti xasaasi ah maadaama ciidamada Soomaalida ee loo daad gureeyay gobolka Axmaarada ee dariska la ah maalmo ka hor ay si ay ula dagaallamaan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray oo ay weheliyaan maleeshiyada Amxaarada, Ciidanka Difaaca Qaranka ee Itoobiya iyo xoogagga isbahaysiga ah ee dhawaan laga kala keenay dhammaan gobollada.
Dibadbaxayaasha Soomaaliyeed oo ka careysan arrintan, ayaa aargoosi sameeyay Axaddii, iyagoo xiray waddada weyn ee isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya.
Wadada tareenka ee isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa sidoo kale la sheegay in la xayiray shalay oo Talaado ahayd kadib markii banaanbaxayaasha ay waxyeeleeyeen qeyb ka mid ah. Labada waddoba waxay maraan guud ahaan gobolka Canfarta oo xuduud la leh Jabuuti.
Cawaaqibka go'doomintan
Baraha bulshada, qaar ka mid ah wakaaladaha wararka ayaa kusoo bandhiay sawirrada safaf dhaadheer oo gawaari xamuul ah oo ku xayiran waddada weyn ee weyn.
Majiro wax falcelin rasmi ah oo illaa haatan kasoo baxdey Addis Ababa balse go'doominta waxay macnaheedu tahay Ethiopia oo aan bad laheyn ay hadda heysata caqabad xal deg-deg ah u baahan.
Iyada oo ay ku nool yihiin dad ka badan 115 milyan oo qof, Itoobiya waxay ku tiirsan tahay Djibouti qiyaastii boqolkiiba 95 ganacsiga ay wax kala soo degto ama ka dhoofsato.
Ilo wareedyo qaar ayaa NationAfrica u sheegay in mudaharaadayaashu ay wacad ku mareen inay sii wadayaan go'doominta ilaa iyo inta ay dowladda Itoobiya ka qabaneyso kuwa weerarka soo qaaday, hantidii laga dhacayna dib loogu soo celinayo
Haddii xayiraadda marinnada, oo labadaba loo arko inay yihiin halbawlaha dhaqaalaha Itoobiya ay sii socoto, geeska Afrika wuxuu dhowaan wajihi doonaa gabaabsi shidaal iyo badeecooyin kale oo muhiim ah kuwaasoo nolosha dadka saameyn doona.
GAROWE ONLINE