Ciidamada Amxaarada oo "geystay isir sifeyn" ka dhan ah Tigray-ga
ADDIS ABABA, Ethiopia - Laba urur oo hormuud u ah ururada u dooda xuquuqul insaanka ayaa Arbacadii ku eedeeyay Ciidamada ka soo jeeda gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya inay wadeen olole isir sifayn ah oo ka dhan ah qawmiyadda Tigrayga intii uu socday dagaal ay ku dhinteen kumannaan rayid ah, kuna barakaceen in ka badan hal milyan.
Amnesty International iyo Human Rights Watch (HRW) ayaa warbixin ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in xadgudubyada ay geysteen saraakiisha Amxaarada, ciidamada gaarka ah ee gobolka iyo kuwa maleeshiyaadka ah intii uu socday dagaalka ka dhacay galbeedka Tigray ay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyagoo sidoo kale ku eedeeyay in milatariga Itoobiya ku lug leeyihiin falaalkaas.
Kenneth Roth oo ah Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Human Rights Watch ayaa yiri, "Laga soo bilaabo November 2020, saraakiisha Amxaarada iyo ciidamada ammaanku waxay ku hawllanaayeen hawlgallo aan kala joogsi lahayn oo isir sifeyn ah, si ay dadka Tigrayga ee galbeedka Tigray uga xoogaan guryahooda."
Afhayeenka xukuumada Axmaarada Gizachew Muluneh ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in eedaha xadgudubyada iyo isir sifaynta ee galbeedka Tigray ay yihiin warar "been abuur ah".
Amnesty iyo Human Rights Watch ayaa sheegay in ciidamada Tigreega ay sidoo kale gaysteen xad-gudubyo 17-kii bilood ee uu socday dagaalka, laakiin warbixintani aysan aheyn mid hadda diiradda lagu saarayo xadgudbyada ay gaysteen.
Warbixintan oo ku salaysan qiimeynta 427 waraysi oo lala yeeshay dadkii ka badbaaday xasuuqyadii dhacay, xubnaha qoyskooda iyo markhaatiyaasha, ayaa ah tii ugu badnayd ee ilaa hadda laga diiwaan geliyo tacadiyadii ka dhacay galbeedka Tigray.
Dowladda Itoobiya, afhayeennada milateriga, taliyihii hore ee ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maareeyaha galbeedka Tigray midkoodna weli kama jawaabin warbixintan.
Xasuuqa soo noqnoqday ka sokow, warbixintu waxay soo xigatay shirar ay masuuliyiinta Axmaarada kaga hadleen qorshayaal meesha looga saarayo dadka Tigreega ah iyo xannibaado ay ku soo rogeen luqadda Tigreega taasoo caddayn u ah isir-sifayn.
Dowladda Federaalka ee Itoobiya ayaa ku guul daraystay in uu baadho eedaymaha ku saabsan isir sifaynta, halka ciidanka qarankuna ay "dil, xadhig aan sabab lahayn iyo jidh dil u gaysteen dadka Tigrayga", ayaa lagu yidhi warbixinta.
Galbeedka Tigreega waxaa ka dhacay rabshadihii ugu xumaa ee ka dhashay dagaalka, kaasoo ay isaga horyimaadeen xukuumadda Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo xulafadeeda kasoo jeeda gobolka Axmaarada iyo Jabhadda Tigreega ee TPLF.
Kooxda TPLF ayaa gacanta ku haysay xukuumadda Itoobiya kahor intii aanu Abiy xilka qaban 2018-kii. Bishii Maarso ee sannadkii hore, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ku eedeeyay ciidamada Amxaarada inay geysteen "falal isir sifayn ah".
GAROWE ONLINE