Ciidamada Burkina Faso oo gudaha u galay dalka Niger

Image

NIAMEY, Niger - Cutubyo ka tirsan ciidamada Burkina Faso ayaa maanta soo gaaaray dalka Niger, iyaga oo qaadan doona tababar lagu horumarinayo awooda ciidamada labada wadan ee dhanka la dagaalanka argagixisada.

Golaha militariga Niger ee talada haya ayaa sheegay in cutubyada ka tirsan ciidamada Burkina Faso ee la keenay dalka Niger aysan weerar ku aheyn kooxda ECOWAS.

Bishii Agoosto ee la soo dhaafay, Ciidamada ku kacay afgambiga milatari ee Niger ayaa u ogolaaday ciidamada dariska ah ee Burkina Faso iyo Mali si ay u soo farageliyaan Niger "haddii ay dhacdo in lagu soo xadgudbo."

Ku dhawaaqistan ayaa timid gebagebadii booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda Burkina Faso, Olivia Rumba iyo dhiggeeda Mali, Abdoulaye Diop, ay ku tageen Niamey, halkaasoo uu ku qaabilay hogaamiyaha cusub ee dalkaas Abderrahmane Chiane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM