Ciidamada Gabon oo ku dhawaaqay hogaamiyaha ka talin doono dalka

Image

LIBREVILLE, Gabon - Taliska Militariga ee Gabon la wareegay ayaa fiidnimadii ku dhawaaqay magaca hogaamiyihii dalka Madaxweyne ka noqon lahaa inta lagu jiro xilliga kala guurka, kadib afgambigii xukunka looga tuuray madaxweyne Bongo.

Saraakiisha militariga ayaa ku sheegay war laga sii daayay telefishinka qaranka Gabon in ciidamada milatariga ay u magacaabeen Brice Olegy Nguema inuu noqdo hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi.

Ku dhawaaqistan ayaan ahayn mid la yaab leh, waxaana la filayay in Ngima uu la wareego talada dalka, iyadoo dad badan ay rumeysan yihiin inuu ahaa hoggaamiyihii ka dambeeyay afgambiga ka dhanka ahaa Madaxweyne Bongo.

Warbaahinta dalka Gabon ayaa hore u baahisay warar horudhac ah oo lagu sheegay in maanta ay isugu imaanayaan Jeneraalada ku sugan dalka Gabon si ay u go’aamiyaan cidda hogaamin doonta marxaladda KMG ah kadib afgambiga.

Brice Olegy Nguema waa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu saameynta badan ciidamada Gabon, waxaana uu ahaa taliyaha ilaalada Madaxtooyada tan iyo 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM