Ciidamada Itoobiya oo ku wajahan Tigray kadib xabad joojin

Image
Xukuumada iyo TPLF si degdeg ah ugamay jawaabin codsiyo ah inay faallo ka bixiyaan dhaqdhaqaaqa cusub ee ciidamadan.

ADDIS ABABA- Boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa lagu arkey magaalo u dhow xuduudka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi, maalmo kadib markii dowladda iyo jabhadda Tigray ku heshiisyeen xabbad joojin bini’aadantinimo.

Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, 32 bas oo siday askar ayaa lagu arkayay Kobo oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ku dhow Koonfurta Tigray. Ciidamadaan ayaa la sheegey in qaarkood laga yaabo in ay beddelaan kuwa kale, Addisu Wedajo, oo ah duqa magaalada Kabo ayaa saxaafada soo xigatey isagoo khadka taleefanka kula hadlay.

Warar ayaa sheegaya in ciidamada dheeraadka ah laga yaabo inay gacan ka geystaan ​​fududeynta amaanka kaalmada bini'aadantinimo si loogu ogolaado in gargaar la siiyo malaayiin qof oo u baahan ka dib ku dhawaad ​​17 bilood oo colaad ah, inkastoo joogistoodu sidoo kale keeni karto in  xabbad joojintu buburto.

Heshiiskii ay wada gaadheen dawlada Ethiopia  iyo ururka Tigray-ga 25-kii March ayaa ah kii ugu dhawaa ee ay labada dhinac ku heshiiyaan xabad joojin tan iyo markii uu dagaalku qarxey November 2020.

Xukuumada iyo TPLF si degdeg ah ugamay jawaabin codsiyo ah inay faallo ka bixiyaan dhaqdhaqaaqa cusub ee ciidamadan.

Dad badan oo la socda siyaasada dalka Ethiopia ayaa aaminsan in RW Abiy heshiiskaan xabad joojinta ah ku qarinayo diyaargow ciidan isagoo damacsan in weerar kama dambeys ah ku qaado Jabhadda Tigray inta caalamku ku mashqulsan yahay dagaalka Ukrain.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Ruto oo Wajir Ka Raalli-gelin Ka Bixiyey Dayacaaddii Lagu Hayey Gobolada Waqooyi Bari

Madaxweyne Ruto oo Wajir Ka Raalli-gelin Ka Bixiyey Dayacaaddii Lagu Hayey Gobolada…

  • Afrika

    02-06-2026

  • 04:07PM

Abiy Ahmed oo codkiisa dhiibtay xilli xisbigiisa loo saadaalinayo guusha doorashada Itoobiya

Goobaha codbixinta ayaa albaabada loo furay 6:00 subaxnimo, iyadoo safaf dhaadheer lagu arkayay meelo badan saacadihii hore ee maalinta.

  • Afrika

    01-06-2026

  • 07:46AM