Ciidanka Eritrea oo bilaabay in ay ka hayaamaan gobolka Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ciidamada Eriteriya ayaa bilaabay in ay ka baxaan gobolka woqooyiga Itoobiya ku yaala ee Tigreega ka dib markii ay ku kaabeen dawladda dagaalka ay kula jirto hoggaamiyeyaasha baxsadka ah ee ismaamulka kana tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF).

Mareykanka, Jarmalka, Faransiiska iyo waddamada kale ee G7 waxay ku baaqeen Jimcihii in si deg deg ah, shuruud la’aan iyo xaqiijin wehliso looga saaro askarta Eritereya gobolkaas, ayna ku yimaadaan hannaan siyaasadeed oo ay raalli ka yihiin dhammaan Itoobiyaanku.

Bayaankaas ayaa sidoo kale lagu booriyey "in la sameeyo hannaan siyaasadeed oo cad oo loo wada dhan yahay oo ay raali ka wada yihiin dhammaan dadka reer Itoobiya, oo ay ku jiraan kuwa Tigray, taas oo horseedaysa doorashooyin lagu kalsoonaan karo iyo geeddi-socod dib-u-heshiisiin qaran oo ballaaran".

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday bixitaanka askarta Eritrea balse war-saxaafadeed kale oo ay soo saartay goor dambe oo Sabtidii ah waxay sheegtay in bayaanka wasiirrada arrimaha dibedda ee G7 uusan qiraynin tallaabooyinka muhiimka ah ee la qaaday si wax looga qabto baahiyaha gobolka.

"Ciidamada Eriteriya ee kasoo gudbay xadka markii ay ka careysiisay kooxda TPLF waxay hada bilaabeen in ay faarujiyaan waxaana ciidanka difaaca qaranka ee Itoobiya ay la wareegeen ilaalinta xuduuda qaran," ayaa lagu yiri bayaan.

Bishii la soo dhaafay, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed wuxuu qirtay markii ugu horreysay in ciidamo ka socda Eritrea ay galeen Tigreega intii uu socday khilaafka.

Qiraalkaas ayaa yimid kadib bilooyin diidmo ah oo ka imanayeen Itoobiya iyo Eriteriya, xitaa iyadoo eedeymaha lagu kalsoonaan karo ee kooxaha xuquuqda aadanaha iyo dadka deegaanka ay soo wariyeen in askarta Eritrea ay xasuuq ka geysteen Tigray ayna beegsadeen tobanaan rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM