Ciidanka Kenya ka jooga Soomaaliya oo yeeshay hogaan cusub
NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaaa taliye cusub u soo magacaawday ciidankeeda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa yeeshay Taliye cusub, waxa uuna xilka kala wareegay taliyihii ka horeeyay ka dib munaasabad ka dhacday degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.
Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Sarreeye Guuto Jattani Gula waxa uuna xilka kala wareegay taliyihii ka horeeyay Generaal Jeff Nyagah oo dhamaystay mudo xileedkiisii shaqo ee Soomaaliya ee gaar ahaan Jubbaland oo ay ka howlgalaan ciidanka Kenya.
AMISOM, ayaa sheegtay in Generaal Jeff Nyagah mudadaas “si hagar la’aan ah ula shaqeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) isagoo kala shaqeynayay sugidda amniga iyo joogteynta weerarada Milatari ee lagu doonayo in lagu wiiqo awooda kooxda Al Shabaab”.
Sarreeye Guuto Jattani Gula oo xilka la wareegay ayaa ku amaanay taliyihii isaga ka horeeyay iyo ciidamada qaybta ay ka qaateen la dagaalanka Al Shabaab oo khatar ku ah amniga gobolka geeska Afrika, bixinta gargaarka biniaadanimo iyo guulaha waajibaadka AMISOM.
Waxa uu ballan qaaday in ay ka go’an tahay in ay la shaqeeyaan ciidamada XDS, gaar ahaan howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida magaalada Dhoobley iyo deegaannada hoos yimaada.
"Waxaan ku jirnaa heegan sare waxaana naga go'an inaan gaarno nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya si waafaqsan waajibaadka howlgalka," ayuu yiri General Gula.
Generaal Nyagah oo ah taliyaha xilka laga qaaday ayaa ciidamada uga mahad celiyay sida ay ugu dhabar adeygeen fulinta waajibaadka AMISOM, waxaana uu kula dar daarmay in ay xaqiijinta guulo lagu faani karo.
Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.
Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.
Deeqaha la siiyo Kenya waxaa badanaa loo soo mariyaa Xarunta Nabadda ee Midowga Afrika. Askarta la dagaallameysa Al-Shabaab ayaa sida caadiga ah waxay shaqeeyaan muddo hal sano ah oo laga yaabo in loo kordhiyo.
GAROWE ONLINE