Ciidanka Kenya oo in ka badan 30 fal argagixiso fashiliyay 2023-kii

Image
Weerarada la fashiliyay ayaa waxaa soo ka dambeeyay dagaalameyaal ka kala tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin ay soo saartey hay’ada la dagaalanka argagixisada Kenya oo uu arkay wargeyska The Star ayaa muujinaya in boolisku dalkaas ay fashiliyeen ilaa 30 fal argagixiso 2023-kii.

"Fashilinta weerarada suurtagalka ahaa ayaa lagu sameeyay hawlgalo sirdoon oo horudhac u ahaa hawlgalada ka dhanka ah argagixisada," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta.

Sidda laga soo xigtay warbixinta oo la faafiyay Isniintii shalay, weerarada la fashiliyay ayaa waxaa soo ka dambeeyay dagaalameyaal ka kala tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhaqdhaqaaqyada Daacish ee gudaha Kenya waxaa fuliyay IS-Somalia, Allied Democratic Forces (ADF) oo loo yaqaan Islamic State Central Africa Province (ISCAP) oo ka howlgala Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo. (DRC) iyo Dawladda Islaamka ee Mozambique (IS–Mozambique).

Warbixintu waxay sheegtay in weerarradaas ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo ka dhan ah muwaadiniinta Kenya, kaabayaasha muhiimka ah ee qaranka, dhisidda amniga iyo danaha shisheeye.

"Illaa 59 eedeysane ayaa lagu soo qabtay howlgallada kala duwan, waxaana la soo taagay Maxkamad, waxaana loo heystaa eedeymo kala duwan oo la xiriira Argagixiso," ayay raacisay warbixinta.

Qaar ka mid ah qalabka la burburiyay liiska ku jira waxaa ka mid ah qaraxa IED oo lagu aasay hareeraha wadada Kiunga-Ishakani Janaayo 2, 2023. Ciidamada ammaanka ayaa gaaf wareegayay aagga Ishakani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM