Ciidanka TPLF oo ka baxay gobolka Canfarta ee Itoobiya

Image
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya, mana cadda in ka bixitaanku uu ahaa mid lagala xaajooday Addis Ababa.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamada fallaagada Tigreega ayaa isaga baxay gobolka ay deriska yihiin ee Canfarta ee dalka Itoobiya, afhayeen u hadlay fallaagada ayaa sheegay, iyadoo taliyaha booliiska Canfarta uu sheegay in fallaagada ay weli ku sugan yihiin degmooyin dhowr ah oo gobolkaas ah.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters isniintii in "ciidamadeenu ay ka baxeen dhamaan Canfarta", isaga oo intaa ku daray in uu rajaynayo in ay la macno tahay in gargaar cunto oo aad loogu baahan yahay ugu dambayn uu soo gaaro Tigray.

Taliyaha booliska ee Canfarta Axmed Xariif ayaa sheegay in ciidamada Tigreega ay isaga baxeen magaalada Abala balse ay wali ku sugan yihiin sadex ka mid ah degmooyinka gobolka ayna gacanta ku hayaan wadada wayn ee isku xirta magaalada Abala iyo caasimada Tigray ee Mekelle.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya, mana cadda in ka bixitaanku uu ahaa mid lagala xaajooday Addis Ababa.

Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa hareeyay colaad tan iyo bishii November 2020, markaasoo ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu ciidamo u diray gobolka Tigray ka dib markii uu ku eedeeyay kooxda talada haysa ee TPLF inay weerarro ku qaadeen xeryaha ciidamada federaalka.

Kumanaan kun oo qof ayaa lagu dilay, dhowr milyan oo kalena waa laga barakiciyay guryahoodii, taasoo ka dhalatay dagaalka u dhaxeeya ciidamada daacada u ah Abiy iyo kooxda TPLF iyo xulafadooda.

'Wax muhiim ah'

Rabshadaha ayaa yaraaday tan iyo markii dowladda federaalka ay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah bishii hore, iyadoo sheegtay inay oggolaanayso in gargaarka bani'aadamnimo uu galo gobolka.

Ciidamada Tigreega ayaa sheegay inay ixtiraami doonaan xabbad joojinta ilaa iyo inta gargaar ku filan la gaarsiinayo gobolkooda "waqti macquul ah gudaheed".

Saxafiga u dhashay Itoobiya ee Samuel Getachew ayaa u sheegay warbaahinta in ka bixitaanka fallaagada ay noqon doonto “mid muhiim ah” colaadda. Wuxuu sheegay in ka bixitaanka fallaagada Tigreega ee Canfarta ay tahay shuruud ay dowladdu ku xirtay in loo oggolaado dhaq-dhaqaaqa gargaarka bini’aadantinimo ee gobolka ay colaaduhu aafeeyeen.

"Waxay u baahdeen [mucaaridku] inay ka baxaan [Afar] si gargaarka, gaar ahaan UN-ta, uu u socdo", ayuu yiri.

Kaliya wax yar oo gargaar ah ayaa ka dhigay Tigray, halkaas oo in ka badan 90 boqolkiiba dadweynaha ay u baahan yihiin gargaar cunto, tan iyo markii ay ciidamada Itoobiya isaga baxeen dhammaadkii bishii June ka dib dagaallo dhiig badan ku daatay.

QM ayaa ku eedaysay maamulka iyo nabad-gelyo la’aanta inay sabab u tahay xannibaadda kolonyada, waxayna sheegtay in ugu yaraan 100 baabuur oo gargaar ah loo baahan yahay inay soo galaan Tigray maalin kasta.

Kaliya 144 baabuur ayaa soo saaray tan iyo markii lagu dhawaaqay xabbad joojinta bil ka hor, iyadoo 74-kii ugu dambeeyay ay yimaadeen Isniintii, sida ay sheegtay hay'adda cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019.

  • Afrika

    19-04-2025

  • 03:38PM

Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

  • Afrika

    13-04-2025

  • 12:32PM