Ciwaanada internet-ka marwada koowaad ee Nigeria oo la jabsadey

Image
Aisha Buhari ayaa sheegay in la qaadey talaabooyinka laga maarmaanka ah "si loo xaqiijiyo badqabka akoonadeeda".

ABUJA, Nigeria - Marwada koowaad ee dalka Nigeria, Aisha Buhari, ayaa sheegtay in ay amartay in la tirtiro wararka been abuurka ah ee ku soo baxay akoonnada ay ku leedahay baraha bulshada.

Horaantii Talaadadii todobaadkan, Bankiga Dhexe ee Nigeria wuxuu soo saaray digniin ku saabsan war-saxaafadeed been abuur ah oo lagu faafiyey ciwaanadda internet-ka ee Aisha.

Bangiga Dhexe ee Nigeria ayaa ku qasbanaadey in uu soo saaro bayaan kale oo uu ku saxayo macluumaad khaldan oo ku saabsan joojinta lacagihii hore ee dalkaas oo loo yaqaano Naira.

Marwo Buhari ayaa qoraal ay soo dhigtay ciwaankeeda gaarka ah ee Instagram-ka waxay ku caddeysay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo la "fara geliyo akoonkeeda".

"Qofkani waa tuug, iyo dambiile maskaxdiisu tahay inuu sii wado weerarka ka dhanka ah sumcaddayda isagoo adeegsanaya baraha bulshada," ayay tiri xaaska madaxweynaha xilka ka degaya Muhammadu Buhari.

Qoraalkeeda ayaa intaas kusii daray: “Laakiin waxaan idiin xaqiijinayaa in kani yahay kii ugu horreeyay uguna dambeeyay ee aan ka beeninayo war been abuur ah oo gacantayda aan ku jirin".

"Waa mas'uuliyadda hay'adaha amniga inay ogaadaan cidda aan la wadaagayo baraha bulshada, inkastoo la xaqiijiyay xisaabaadka, oo aan qaadnay dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah," ayay xustey.

Walaaca ku saabsan faafinta wararka been-abuurka ah ayaa gaarey heerkii ugu sareeyay kahor doorashadda madaxtinimadda Nigeria oo loo balansan yahay 25-ka bishan Febraayo oo ku beegan Sabtida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM: Ciidamada Eritrea waxay gobolka Tigray kasii wadaan Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha

“Xorriyadda iyo mas'uuliyad darrada ayaa sii xoojineysa kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayey tiri Brands-Kehris.

  • Afrika

    01-03-2025

  • 02:46PM

Sudan oo u yeertay safiirkeeda Kenya kadib Shirkii RSF ee Nairobi

Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum.

  • Afrika

    21-02-2025

  • 12:37PM