Ciyaaryahan nolosha isku-dubay kadib markii lagu been-abuurtey

Image
Nizar Issaoui ayaa cabasho ka muujiyey in qiimaha muuska halkii xabo laga dhigay 10 diinaar ($3.30; £2.66).

TUNIS, Tunisia - Ciyaartoy kubadda cagta oo u dhashay Tunisia, Nizar Issaoui, ayaa u dhintay gubasho ka soo gaadhay mudaaharaad lagaga soo horjeeday "cadaalad darada bilayska", sidda ay shaaciyeen qoyskiisa.

Issaoui ayaa ka soo muuqday muuqaal internet-ka la soo galiyay oo muujinaya isaga oo ku qeylinaya in saraakiisha ay ku eedeeyeen argagixisanimo kadib markii ay isku dhaceen nin iibiya khudaar.

Qoraal kale oo uu soo dhigay ayuu ku sheegay in uu isku xukumay "in uu dab is-qabad-siiyo". Caro xooggan ayaa ka dhalatay falkan waxaana aaskiisa hareeyay banaanbaxayaal kasoo horjeeda dowladda.

Issaoui ayaa si weyn uga soo horjeestay in uu xabad muus ku iibsado wax ka yar 10 diinaar ($3.30; £2.66). Waa labo jibaarka qiimaha markii hore si caadi ah loo iibin jiray waxaana soo rogtey dowladda.

Dowladda Tunisia ayaan ka hadlin geerida Issaoui. Walaalkii ayaa u sheegay warfidiyeenka gudaha in Issauoi uu soo gaartay gubasho heerka saddexaad ah dhakhaatiirtuna aysan awoodin in ay badbaadiyaan naftiisa.

Falkan ayaa dad soo xasuusiyey mudaaharaad dhacay 2010-kii markii nin warato ah  Mohamed Bouazizi uu is-dilay waxaana xigay mudaaharaadyo horseeday afgambigii lagu riday madaxweyne Zine al-Abidine Ben Ali.

Madaxweynaha talada haya, Kais Saied, ayaa khilaaf ka dhaliyay 2021-kii markii uu eryay ra’iisul wasaaraha uuna shaqada ka joojiyay baarlamaanka. Tan iyo markaas wuxuu hindisay dastuur awood maroorsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM