Ciyaaryahan u dhashay Uganda oo meydkiisa laga helay Kenya

Image
Benjamin Kiplagat ayaa waxaa ka muuqdey dhaawacyo mindi oo qoorta iyo luqunta kaga yaallay.

NAIROBI, Kenya - Benjamin Kiplagat, oo Uganda ku matalayay saddex ciyaarood oo ciyaaraha Olombikada ah ayaa isaga oo meyd ah waxaa laga helay dalka Kenya, sidda ay warisay saxaafadda.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa waxa ay sheegayaan in weerar mindi lala beegsaday. Balse, ma bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sidda uu u dhacay weerarkan.

Kiplagat oo 34-jir ah ayaa usoo gudbay ciyaaraha semi-finalka ciyaaraha Olimbikada London ee 2012-ka kadib markii uu baratamay ciyaarta tartanka 3000m.

Waxaa la sheegay in laga helay gaari isaga oo qaba dhaawacyo mindi ka soo gaareen oo laabta iyo luqunta kaga yaalla meel u dhow magaalada Eldoret ee dalka Kenya.

Eldoret ayaa waxa ay kamid tahay goobaha ay tababarka ku sameeyaan ciyaartoyda ka qeybg-galaysa tartamada Oroda gudaha Kenya iyo kuwa kale ee caalamiga ah.

Dhanka kale, Booliska dalka Kenya oo sii daayay war-saxaafadeed aysan ku jirin tafaasiil dheeraad ah ayaa tibaaxay in ay bilaabeen baaritaan ku aadan dhimashadiisa.

Ururka Ciyaaraha Fudud ee adduunka ayaa sheegay in ay "naxdin iyo murugo ka qaadeen" wararka ku aadan dhimashada Kiplagat, iyaga oo qoyskiisa, asxaabtiisa iyo dalkiisa uga tacsiyadeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM