Codsi ay Soomaaliya ugu biiri lahayd urur oo dib loo dhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa inay sugtaa waqti dheer in ay miiska wadahadaladda la wadaagti waddamada kale ee xubinta ka ah Ururka Bulshadda Bariga Afrika.

Intii lagu gudajiray shirkii 21-aad ee caadiga ahaa ee Madaxda Wadamada Bulshadda Bariga Afrika oo fogaan arag ku qabsoomay Sabtidii, ururku wuxuu sheegay in codsiga Soomaaliya ee ku biirista ururka aan wali la aqbalin. Ma jiro fahfaahin dheeraad oo laga bixiyey sababta.

"Shir madaxeedka ayaa lagu xusay in howsha xaqiijinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qeyb ka noqoto Bulshada Bariga Afrika aan la qaadin, waxaana lagu faray Golaha in ay dabagal ku sameeyaan howshaas," ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kulanka ururka EAC.

Iyadda oo dalabka ogolaanshiyaha Soomaaliya dib loo dhigay, wuxuu ururka aqbalay in Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay xubin ka noqoto ururka taasoo lagu meelmarin doono shirka 22aad.

Dhanka kale, intii uu socday Shir-Madaxeedka, waxaa madaxweynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Bulshadda Bariga Afrika.

Uhuru wuxuu xilka kala wareegay dhigiisa Ruwanda ee xilka kasii degaya Paul Kagame oo la wareegay hogaanka ururkaas bishii Febraayo 2019.

Isla waqtigaas, Intii shirku socday, Dr. Peter Mutuku Mathuki oo u dhashay Kenya ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee cusub ee ururka wuxuu xafiiska joogayaa muddo 5 sano ah oo aan cusbooneysiin karin.

Mutuku ayaa xilka kala wareegaya Danjire Liberat Mfumukeko oo la magacaabay laga bilaabo Abriil 2016 isla markaana mudada loo cusbooneysiinin sababo ku aadan in uu sidaas ay xeerinayaan shuruucda ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM