Colaad mar kale kasoo cusboonaatay gobolka Axmaarada ee Itoobiya

Image
Dagaalka Axmaarada ayaa qarxay wax ka yar hal sano kahor kadib heshiis nabadeedkii November 2022.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ciidamada dawladda Itoobiya ayaa ciidamo lagu tilmaamay malayshiyaad kula dagaalamay Jimcihii magaalada Bahir Dar ee xarunta gobolka Axmaarada.

Maamulka gobolka iyo dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee halkaas ka dhaca uu ahaa kii ugu horeeyey tan iyo markii ay bilowdeen colaadda sanadkii hore.

Ciidamada Itoobiya ayaa tan iyo bishii July kula dagaalamayey falaagada Fano, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof sanadkii hore, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Saraakiisha dowladda ayaa dhowr jeer bilihii la soo dhaafay sheegay in ay gacanta ku hayaan rabshadaha ka socda gobolka Axmaarada oo ah gobolka labaad ee ugu weyn dalkaasi.

Guddiga xuquuqul insaanka ee ay dowladdu magacowday ayaa ka warbixiyay rabshado soo noq-noqday oo ay ka mid yihiin weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo weerarro guri-guri ah oo ay ciidamada dowladdu ku qaadeen deegaanno ka baxsan caasimadda.

Dagaalka Axmaarada ayaa qarxay wax ka yar hal sano kahor kadib markii ay dowladdu heshiis nabadeed gaartay November 2022 si loo soo afjaro dagaal sokeeye oo laba sano ka socday gobolka Tigray ee dariska la ah oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof.

Maleeshiyada Fano ayaa ciidanka ka barbar dagaalamayey ciidamada Tigreega, balse waxaa si degdeg ah u xumaaday xiriirka labada dhinac, kadib markii lagu eedeeyay dowladda Federaalka inay Amxaarada u nuglaato khatar dhanka ammaanka ah. Dawladdu taas way beenisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM