Colaada Suudaan oo galaafatay nolosha ku dhowaad 12,000 qof

Image
Ugu yaraan 250,000 ilaa 300,000 oo qof ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay ku qaxeen dagaaladan.

KHARTUUM, Suudaan - Ugu yaraan 250,000 ilaa 300,000 oo qof ayaa ka qaxay gobolka Al Jaziira ee dalka Suudaan tan iyo 15-kii Diseembar, sababo la xiriira isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Taageerada degdega ah ee RSF iyo ciidamada Suudaan, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Dhawaaqa IOM ayaa wuxuu yimid kadib markii goobjoogayaal ay sheegeen in RSF ay gudaha u gashay Wad Madani, magaalada labaad ee ugu weyn dalka Sudan, taasoo ay ka buuxaan dad barakacayaal ah kuna taallo xarun gargaar oo shaqeynaysa in ka badan sideed bilood uu dagaal socday.

Muuqaalo ay soo bandhigeen ciidamadda RSF-ta ayaa muujinaya dagaalyahano wata gawaari kuwa xamuulka qaada ah oo ku dhex socda wadooyinka Wad Madani iyo buundada ka gudubta wabiga Blue Nile oo ay ciidamada kula dagaalamayeen. Goob joogayaal ayaa sheegay in sidoo kale ay weerareen tuulooyinka ku dhow dhow.

Madaxa Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay si deg deg ah u joojiyaan colaada, ayna ka qeyb qaataan wada xaajoodyada ku aadan dhisitaanka iyo joogtaynta nabadda Suudaan.

In ka badan 12,000 oo qof ayaa, sidda ay sheegeen ilaha dhanka caafimaadka iyo Qaramada Midoobay, waxaa lagu dilay in ka badan 33,000 oo kalena waa lagu dhaawacay dagaalka.

Ku dhawaad ​​25 milyan oo qof, kala bar dadka dalkaas, ayaa u baahan gargaar bini'aadantinimo. Ku dhawaad ​​7 milyan oo qof oo ku nool dalka Suudaan ayaa ku barakacay gudaha dalkaas ama waxay u qaxeen wadamadda dariska la ah sidda Itoobiya iyo Kenya si ay uga helaan ammaan iyo wax ay cunaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Axmed oo digniin diray: 10 jeer ka feker inta aadan kusoo duulin Itoobiya

Soomaaliya ayaa uga jawaabtay arrintan iyadoo xoojisay xiriirka milatari ee ay la leedahay Masar.

  • Afrika

    27-01-2025

  • 11:10AM

Itoobiya oo ka heshay $1.5 bilyan dollar dahabka ay dhoofisay mudo 6 bilood

Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda looga ka faa’iidaysto kheyraadka dalka, si loo gaaro barwaaqo.

  • Afrika

    23-01-2025

  • 10:32AM