Colaadda Itoobiya ee sanad-jirsatay oo waji cusub yeelaneysa

Image
Dalal horleh ayaa muwaadiniintooda u booriyey in ay ka baxaan dalkan aan badda lahayn.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dalal kale oo badan ayaa muwaadiniintooda u sheegay inay isaga baxaan dalka Itoobiya, halkaas oo uu sii xoogaysanayo dagaal sannad ka badan socday oo u dhexeeya ciidammada federaalka iyo ciidamada ka soo jeeda gobolka Tigrayga ee woqooyiga dalkaas, kaasoo u muuqda inuu waji cusub yeelanayo.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa goor dambe oo Isniinti ah ku dhawaaqay inuu u jihaysan doono jiida hore ee dagaalka Talaadada si uu u hogaamiyo askartiisa, isagoo ku dhawaaqay: "Waxaan hadda ku jirnaa heerkii ugu dambeeyay ee badbaadinta Itoobiya."

Talaadadii, Faransiisku wuxuu kula taliyay muwaadiniintiisa inay ka baxaan Itoobiya "daahitaan la'aan". Jarmalka ayaa sidoo kale ugu baaqay muwaadiniintiisa inay dalka uga baxaan duullimaadyadii ugu horreeyay ee ganacsi ee la heli karo, iyadoo la raacayo talooyin la mid ah oo ay siiyeen Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska toddobaadyadii la soo dhaafay, iyagoo sabab uga dhigaya xaaladda amniga oo sii xumaaneysa.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si ku meel gaar ah u rari doonto Itoobiya qoysaska IYO shaqaalaha caalamiga ah, waxayna intaa ku dartay in shaqaalaheeda ay sii joogi doonaan dalka.

"Waan sii wadi doonaa inaan la socono xaalada sida ay u socoto, anagoo maskaxda ku hayna amaanka shaqaalaheena iyo baahida loo qabo inaan sii wadno istaagida iyo samata bixinta iyo inaan sii wadno howlgalada iyo taageeridda dhammaan dadka u baahan gargaarkeena," ayuu yiri afhayeenka UN-ka, Stephane Dujarric, Talaadadii.

Talaabadan ayaa timid iyadoo ciidamada Tigreega ay todobaadyadii lasoo dhaafay sheegeen inay ku sii siqayaan caasimada Addis Ababa taasoo walaac ku abuurtay dadweynaha iyo ajaaniibta.

Inta badan waqooyiga Itoobiya waxaa ka maqan isgaarsiineed, waxaana la xaddiday gelitaanka saxafiyiinta, taasoo ka dhigaysa sheegashada goobaha dagaalka ay adag tahay in la xaqiijiyo.

Dhanka kale, UN-ka ayaa Talaadadii bilaabay olole ballaaran oo lagu gaarsiinayo raashin mucaawino ah laba magaalo oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya inkastoo la bililiqeystay bakhaarradii.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ayaa sheegtay in "howlgalka gargaarka cuntada ee ugu weyn” uu u adeegi doono in ka badan 450,000 oo qof inta lagu guda jiro labada toddobaad ee soo socda magaalooyinka Amxaarada ee Kombolcha iyo Dessie kuwaas oo ku yaalla isgoysyada istiraatiijiga ah ee jidka weyn ee Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM