Cuba oo ka jawaabtay dhakhaatiirta ay AS sheegtay in ay dhinteen

Image
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa warisay in xubnahan lagu dilay duqeyn cirka ah.

NAIROBI, Kenya - Al-Shabaab ayaa sheegtay in labo dhaqaatiir ah lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Koonfurta Soomaaliya Khamiista, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dhakhaatiirtan oo u dhashay dalka Cuba ayaa lagu kala magacaabaa Landy Rodríguez iyo Asel Herrera kuna taqasusay daawaynta guud.

Xubnahan ayaa laga soo afduubtay magaalada Mandheera ee dalka Kenya laga soo bilaabo April 12, 2019.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda Cuba ayaa fariin yar soo dhigtay barteeda xiriirka bulshada ee X (Twitter) uga hadashay dhacdadan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in xogta ku saabsan dhimashada labada dhakhtar ee Cuba "aan weli la xaqiijin" iyo in "masuuliyiinta Cuba ay xiriir joogto ah la leeyihiin Soomaaliya iyo Kenya".

"Dadweynaha waxaa si degdeg ah loo ogeysiin doonaa waxa soo kordha," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo uu soo xigtay warsidaha afka dheer ee SparkChronicles.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM