Cunaqabateyn lagu soo rogay cutub kamid ah booliska Sudan

Image
Mareykanka ayaa ku eedeeyay taliskan in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen banaanbaxayaal.

KHARTUUM, Suudaan - Mareykanka ayaa maanta cunaqabateyn kusoo rogay booliska dhexe ee keydka Suudaan, isagoo ku eedeeyay inay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen dibadbaxayaal nabadeed oo ka soo horjeeda afgambigii militari ee bishii Oktoobar ee la soo dhaafay kadib riditaankii Cumar Al-Bashiir.

Waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in bileyska keydka dhexe, oo ah qeyb ka mid ah ciidamada booliska, ay hormuud ka ahaayeen "jawaabihii rabshadaha lahaa" ee ciidamada ammaanka Suudaan ay ka bixiyeen mudaaharaadyada nabadeed ee Khartoum.

Waxa ay ku eedaysay taliskan in ay rasaas nool ku fureen dad mudaharaadayay bishii January, iyada oo intaa ku dartay in hal qof oo mudaaharaadayay la toogtay oo uu dhintay.

Ciidamada oo ay wehliyaan kuwa ka hortagga rabshadaha ayaa eryadey dad dibadbaxayay oo doonayay in ay goobta ka baxsadaan, iyagoo xiray qaarna u garaacay si ba'an toogtayna qof kale oo dibadbaxayay kuwo kalena dhaawacay, sida ay sheegtay wasaaradda.

Hogaamiyayaasha milatariga ayaa sheegay in banaanbax nabadeed la ogolyahay, islamarkaana la baari doono khasaaraha ka dhashay dibadbaxa. Suudaan waxaa ruxay muddo bilo ah mudaaharaadyo ay soo abaabuleen guddiyada iska caabinta ee xaafadaha.

Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo dalal dhowr ah ayaa si weyn u dhaleeceeyay qulqulatooyinka, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 88 qof tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay 2021-kii.

Balaayiin doollar oo kaalmadii dibadda ah ayaa waxaa hakiyay wadamada reer galbeedka iyo hay’adaha caalamiga ah ee maalgelinta kadib afgambiga iyo taliyayaasha ciidamada oo aan wali magacaabin ra’iisul wasaare wax ka qabta dhibaatooyinka dhaqaale.

Milateriga ayaa sheegay in afgambigaas uu ahaa mid loo baahnaa si loo saxo kaddib isqabqabsi siyaasadeed, waxaana ay ballan qaadeen in ay xilka ku wareejin doonaan dowlad la soo magacaabo si heshiis ama doorasho loo gaaro. Dibad-baxayaashu waxay rabaan in si degdeg ah militariga looga saaro siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM