Dabley mar kale ugu yaraan 87 qof ku qafaashay waqooyiga Nigeria

Image
Falkan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay tuulo dhacdadan oo kale looga soo wariyay todobaad kahor.

NAIROBI, Kenya - Dabley hubeysan oo ku sugan dalka Nigeria ayaa ugu yaraan 87 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ka afduubtay gobolka Kaduna, sidda ay sheegeen dadka deegaanka iyo booliiska.

Falkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay weerar cusub oo dhacay kadib markii koox hubaysan ay qabsadeen 286 arday iyo shaqaale dugsi horaantii bishii Maarso.

Afduubyada ay geystaan ​​kooxo dambiilayaal ah oo dalbanaya lacago madaxfurasho ah ayaa noqday wax ku dhawaad ​​maalin kasta ka dhaca dalka Nigeria, gaar ahaan waqooyiga, iyadoo mas’uuliyiintu ay u muuqdaan kuwo aan awood u lahayn inay joojiyaan.

Af hayeenka booliska Kaduna Mansur Hassan ayaa xaqiijiyay dhacdadan oo ka dhacday tuulada Kajuru Station habeenimadii Axada balse ma uusan sheegi karin tirada dadka la la’yahay.

Tuuladan ay ka dhacdey afduubkii ugu dambeeyay ayaa qiyaastii 10 km (6 mayl) u jirta bulshada Buda, halkaasoo dabley hubaysan ay 12-kii March ka qabteen 61 qof.

Afduubyo ka dhacay iskuullo ku yaalla dalka Nigeria ayaa waxaa markii ugu horreysay ka dambeeyay kooxda xagjirka ah ee Boko Haram, kuwaasoo toban sano ka hor ka qabsaday in ka badan 200 oo arday.

Qafaalashadii ugu horeysay ayaa lagu beegsadey arday wax ka baranayay dugsi hablaha oo ku yaalla magaalada Chibok ee gobolka Borno, waxaana markaas kadib ay noqotay tusbax afka ka furtey oo la isku haysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM