Dabley qafaalatay gabar Soomaali ah oo dalbatay lacag

Image

NAIROBI, Kenya – Laba gabdho Soomaali ah ayaa la la'yahay tan iyo 15-kii bishan June, 2021 gudaha Kenya, iyadda oo ay soo baxayaan warar tibaaxaya in ay afduubteen kooxo hubeysan oo illaa waqti xaadirkan aan la aqoonsan waxa ay yihiin.

Xafsa Maxamed Luqmaan, oo 23-sano jir ah, iyo Xafsa Cabduwahaab, ayaa markii ugu dambeysay waxay ku sugnaayeen mehrad ku taala degaanka California ee magaala madaxdda waddanka Kenya ee Nairobi.

Mehrada waxaa lahayd Xafsa, halka haweenayda kale ay Qare ku iibineysay isla aagaas, sida ay warisay saxaafadda oo soo xiganeysa xubno ka tirsan qoyska labadda gabdhood.

Muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee mehradda Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa muujinaya iyaga oo tukaanka oo ku yaala xaafada Kamukunji  ee Nairobi sii galaya abaare 11:30pm ee maalintii taariikhdu ahayd 15-kii June, 2021.

Isla muuqaalada waxay tusinayaan iyadda oo labada hablood u aadaya xaafadda Kayole ee gudaha Nairobi sababo aysan wali fahfaahin dheeraad ah ka bixin saraakiisha ammaanka.

Muuqaalka "argagaxa leh"

Dableyda afduubka geysatay ayaa Xafsa Maxamed Luqmaan waxay kasoo duubeen muuqaal lana wadaagay qoyskeeda kaasoo muujinaya iyada oo ka xiran lugaha iyo indhaha.

Muuqaalkaas oo kalkii dambe si weyn loogu faafiyey baraha bulshadda waxay dadka ka falceliyey ay ku sifeeyeen mid "argagax leh" kuna baaqay in deg-deg loogu gurmado.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa wali waxa aysan si fahfaahsan uga hadlin dhacdooyinka afduubka ah ee lagu beegsaday hablahan Soomaaliyeed, xiriiro lala sameeyay kama jawaabin.

Hase ahaatee, warbaahinta maxaliga ah waxay saraakiil kala duwan kasoo xigatay in ay baaritaan ku sameynayaan kiiskan isla markaana ay tafaasiisha dib kasoo gudbinayaan.

Si dhab ah uma cadda goobta Xafsa looga duubay muuqaalka iyo waliba in dableyda kala baxdey caasimadda Nairobi.

Dalab madax furasho ah

Cumar Ibraahim, oo ah seegida Xafsa Maxamed Luqmaan una waramay wargeyska The Standard, ayaa daaha ka rogay in Arbacadii todobaadkan ay dableydu u soo dirtay qoraal.

"Waxay noo sheegeen in ay doonayaan madax furasho dhan shan milyan lacagta Kenya ah (43-kun oo doolarka Mareykanka). Waxaan ka walaacsanahay in ay dhibaato u geystaan," ayuu ka dhawaajiyey Cumar.

Dowladda Kenya ayuu cod dheer kaga dalbadey in ay soo farageliso kiiskan isla markaana ay gacan ka siiso sidii ay u soo badbaadi lahayd Xafsa Maxamed Luqmaan.

Xafsa ayaa qudheeda muuqaalka laga soo duubay waxaa la maqlayaa iyadda oo oraneysa "waxay doonayaan madax furasho fadlan I badbaadiya oo bixiya lacagta".

Kiisaska afduubka ayaa siyaabo kala duwan looga soo wariyaa Kenya, hase ahaatee, waxaa dhif iyo naadir ah in lagu beegsado Soomaalida gaar ahaan haweenka ku dhaqan dalkaas, taas oo noqoneysa walaac iyo walwal cusub oo soo kordhay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Ghana oo lagu daray Liiska Cas ee Interpol

Ofori-Atta, oo la rumeysan yahay inuu dalka dibaddiisa u joogay daawayn caafimaad, ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay.

  • Afrika

    07-06-2025

  • 09:23AM

Taliyaha AFRICOM: Wuu Dhammaaday Xilligii Afrika Ku Tashanaysay Taageerada Milatari ee Maraykanka

Isbeddelkan siyaasadeed ayaa noqonaya caqabad cusub oo hor taagan dalal badan oo Afrikaan ah.

  • Afrika

    31-05-2025

  • 11:37AM