Dabley weerar jidgal ah ku dishay in ka badan 50 qof

Image

NIAMEY, Niger – Kooxo hubaysan ayaa koonfur-galbeed waddanka Niger waxay ku dishay ugu yaraan 58 qof ka gedaal markii ay dhexda u galeen kolonyo ka soo laabtay tukaameysi toddobaadle ah waxaana ay weerareen tuulo kale oo halkaas ku dhaweyd, sidda ay Talaadadii sheegtay Dowladda.

Weeraradan lasoo wariyey Isniintii ayaa ka dhacay gobolka Tillabery, oo ku dhow sohdinta wadamadda Mali iyo Burkina Faso, waxaana falalkii u dambeeyay ee noocaan ah lala xiriiriyey ISIL (ISIS) iyo Al-Qaacida.

afhayeenka dowlada Abdourahmane Zakaria oo la hadlay telefishinka ku hadla afka dowladda, ayaa wuxuu ku dhawaaqay seddex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo loo sameynayo dadkaas la xasuuqay.

Dilalkan tirada badan ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha amni ee aadka u weyn ee horyaala madaxweynaha cusub ee Niger, Mohamed Bazoum, oo ku guuleystay doorashadii dabayaaqadii bishii Febraayo wuxuuna ka guuleystay hogaamiyaha xilka kasii degaya Mahamadou Issoufou

Dabley ayaa ugu yaraan 100 qof oo rayid ah ku dishay 2-dii Janaayo weerar ay ku qaadeen laba tuulo oo ku yaal Tillabery, taasoo ahayd mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dhimashada badnaa taariikhda dhow ee dalka.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa xilligaas qabtay afar gaari oo rakaab u daabulayay tukaameysi todobaadle ah kuna sii jeeday tuulooyinka Chinagoder iyo Darey Dey, sidda dowladda ku tiri qoraal ay soo saartey.

"Shakhsiyaadkaasi waxay si bareer ah oo arxan darro ah u sii wadaan fulinta xukunno bartilmaameed ah kana dhan ah rakaabka ah," ayaa lagu yiri. "Tuulada Darey Dey, dad ayay ku dileen, bakhaarradana way gubeen."

Ma jirto koox illaa haatan si deg-deg ah dusha ugu ridatay mas'uuliyadda dilalkaas. Hasa ahaatee, waxaa lagu tuhmayaa Islaamiyiinta.

Rabshadaha ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka amni ee ka jira Galbeedka Afrika ee gobolka Saaxil. Weerarada badankood waxay ku badan yihiin halka xuduudaha Niger, Mali iyo Burkina Faso ay ku kulmaan, oo ah aag ay ka howlgalaan in ka badan shan ciidan Faransiis ah kuwaasoo dhaliilo wajahaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM