Dad badan oo ku dhintay daad ka dhashay roobab mahiigaan ah

Image
Sannadkii hore, ugu yaraan 30 qof ayaa ku geeriyootay isla dhacdo noocaan oo kale ah.

NAIROBI, Kenya - Daadad iyo dhul go’ ayaa 8 qof ku dilay Abidjan, magaalada ugu weyn dalka Cote d’Ivoire, kadib roobab xooggan oo da’ay, sidda ay sheegeen ciidamadda dab-damiska.

Wadooyinka ayaa go’ay iyadoo roobkii gelinkii dambe ee Khamiista uu ka da’ay inta badan xaafadaha magaalada oo ay ku nool yihiin lix milyan.

Warbixintii ugu dambeysay ayuu dab-damiska ku sheegay in 18 qof loo daad gureeyay isbitaallada.

Roobab mahiigaan ah oo da'ay galabnimadii Khamiista ilaa subaxnimadii Sabtida ayaa ku dhawaad ​​afar jeer ka culus kuwii caadiga ahaa.

"Qiyaastii rubuc kamid ah roobabkii la filayey ee May-June-July - ama 214 milimitir (8.4 inji) - ayaa ku dhacay 24 saacadood gudahood," ayuu yidhi adeegga saadaasha hawada ee qaranka Sodexam.

Sannadkii hore, ugu yaraan 30 qof ayaa ku geeriyootay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo shilal kale oo lala xiriirinayo roobab mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Galbeedka Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM