Dad ku geeriyoodey shil tareen oo ka dhacay caasimadda Masar

Image
Madaxweyne Al-Sisi ayaa wacad ku maray in uu la xisaabtami doono dadka masuulka ka ah shilalka tareenada ee soo noqnoqda.

QAAHIRA, Masar - Shil tareen oo ka dhacay Masar ayaa sababay dhimashada afar qof iyo dhaawaca in ka badan 20, sidda ay wakaaladda wararka Faransiiska AFP ay kasoo xigatay saraakiil caafimaad.

Dhacdadan ayaa laga soo tabiyey aagga Niil Delta xaafadda Qalyub ee caasimadda waqooyiga Qaahira. Maamulka Qaranka ee Tareennada Masar oo shilkan xaqiijiyey ayaa tacsi u diray ehelada.

Sidda laga soo xigtey maamulka, shilka waxa uu ka dambeeyay markii tareenka uu dhaafay goobtii loogu talagalay sababo aan wali sharaxaa dhameystiran aan laga bixin.

Wasaaradda caafimaadka Masar ayaa markii dambe sheegtay tiradii ugu dambeysay ee afar qof oo la dilay iyo 23 dhaawac ah, taasoo laba jibaartay tirada dhimashada ee markii hore la shaaciyay.

"Qoysaska dadkii ku dhintay masiibadii tareen ee ugu dambeysay waxay heli doonaan magdhow qiimihiisu yahay 100,000 oo giniga Masar ah (qiyaastii $3,000)," ayay tiri wasaaradda.

Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ayaa wacad ku maray in uu la xisaabtami doono dadka masuulka ka ah shilalka tareenada ee soo noqnoqda ee dadka badan ku dhinteen ee Masar oo ah dalka ugu dadka badan Carabta.

Masiibadii ugu xumayd ee tareenada Masar ayaa dhacday sannadkii 2002-dii, markaasoo dab qabsaday tareen ay ku dhinteen in ka badan 370 qof oo ku sugnaa bannaanka magaala madaxda Qaahira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM