Dad ku nafwaayey weeraro ay Al-Shabaab ka fulisay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa saddex askar oo Kenyan ah ku dilay dhammaadkii toddobaadkii hore laba weerar oo argagixiso oo ka dhacay gobolka Mandheera ee waqooyi-bari Kenya, sidda ay mas’uuliyiintu xaqiijiyeen Isniintii shalay ahayd.

Rono Bunei, oo ah taliyaha booliiska gobolka waqooyi-bari, ayaa xaqiijiyay labada weerar laga soo wariyey meel ku dhow soohdinta Soomaaliya, isagoo sheegay in saddex kale ay ku dhaawacmeen weerarrada.

Weerarka koowaad, ayaa mintidiintu waxay si gaadmo ah u beegsadeen saddex qof oo saarnaa gaari ka yimid Fino kuna sii jeeday Magaalada Mandheera aagga Kamor Bahaw Sabtidii, iyagoo dhowr xabadood ku dhuftay gaarigii ay wateen.

Weerarka, sida ay sheegeen booliska iyo dadka deegaanka, waxaa ku dhintay haweeney xanuunsaneyd oo isbitaal loo sii wadday, halka laba kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Saacado kadib ayay dableydu rasaas ku fureen gaari kale oo marayay duleedka Fino, waxayna isla goobta ku dileen nin iyo wiil uu dhalay, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Kani waa weerarkii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah kadib markii uu hakad galay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay. Weeraradan ayaa bishii June curyaamiyey howlihii degmada maadaama waddooyinka intooda badan laga dhigay kuwo aan la mari karin.

Gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro qaraxyo iyo kuwa toos ah dhowrkii sano ee ugu dambeeyay tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda geysay Soomaaliya 2011 si ay ula dagaallamaan Al-shabaab.

Kenya ayaa sheegtay in u daabulida ciidamadeeda gobollada koonfureed ee Soomaaliya ay ilaa hadda gacan ka geysteen ka hortagga weerarada qaraxyada, faafinta wararka been abuurka online-ka ah, iyo ka ganacsiga sonkorta koontarabaanka ah ee xadka ka soo gudubta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM