Dad ku nafwaayey weeraro ay Al-Shabaab ka fulisay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa saddex askar oo Kenyan ah ku dilay dhammaadkii toddobaadkii hore laba weerar oo argagixiso oo ka dhacay gobolka Mandheera ee waqooyi-bari Kenya, sidda ay mas’uuliyiintu xaqiijiyeen Isniintii shalay ahayd.

Rono Bunei, oo ah taliyaha booliiska gobolka waqooyi-bari, ayaa xaqiijiyay labada weerar laga soo wariyey meel ku dhow soohdinta Soomaaliya, isagoo sheegay in saddex kale ay ku dhaawacmeen weerarrada.

Weerarka koowaad, ayaa mintidiintu waxay si gaadmo ah u beegsadeen saddex qof oo saarnaa gaari ka yimid Fino kuna sii jeeday Magaalada Mandheera aagga Kamor Bahaw Sabtidii, iyagoo dhowr xabadood ku dhuftay gaarigii ay wateen.

Weerarka, sida ay sheegeen booliska iyo dadka deegaanka, waxaa ku dhintay haweeney xanuunsaneyd oo isbitaal loo sii wadday, halka laba kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Saacado kadib ayay dableydu rasaas ku fureen gaari kale oo marayay duleedka Fino, waxayna isla goobta ku dileen nin iyo wiil uu dhalay, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Kani waa weerarkii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah kadib markii uu hakad galay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay. Weeraradan ayaa bishii June curyaamiyey howlihii degmada maadaama waddooyinka intooda badan laga dhigay kuwo aan la mari karin.

Gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro qaraxyo iyo kuwa toos ah dhowrkii sano ee ugu dambeeyay tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda geysay Soomaaliya 2011 si ay ula dagaallamaan Al-shabaab.

Kenya ayaa sheegtay in u daabulida ciidamadeeda gobollada koonfureed ee Soomaaliya ay ilaa hadda gacan ka geysteen ka hortagga weerarada qaraxyada, faafinta wararka been abuurka online-ka ah, iyo ka ganacsiga sonkorta koontarabaanka ah ee xadka ka soo gudubta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM