Dad loo xiray rabshadaha Jabuuti; internet-ka oo la jaray

Image
Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen qulqulatooyinkan. [File Photo: AJ]

DJABUUTI, Jabuuti - Ugu yaraan saddex qof ayaa dhimatay markii si dhif iyo naadir ah ay u dillaaceen rabshado u dhexeeyay qaar kamid ah qowmiyadaha dega Jamhuuriyadda Jabuuti ee bariga qaaradda Afrika, sidda ay taliska booliska iyo xeer ilaaliyaha guud sheegeen Isniintii.

Dagaal ayaa Axadii ka qarxay dhawr meelood oo ka mid ah caasimadda Jabuuti, kaas oo u dhexeeyay qowmiyadda Canfarta, oo degta xudduudda Jabuuti la leedahay Itoobiya iyo Eritrea, iyo Issa, qowmiyadda kale ee ugu weyn Jabuuti.

"Waxaa jiray dhowr fal -dambiyeed oo aad u daran. Waxaa si ulakac ah loo gubay guryo," ayuu wariyey telefishanka dadweynaha oo aan carabaabin sabab macquul ah oo rabshadaha keentay. "Dad aan waxba galabsan ayaa si hagar la'aan ah loo weeraray," ayuu ku daray.

Wasiirka arrimaha gudaha, Saciid Nuux Xasan, khudbad uu telefishanka ka sii daayay habeen hore ayuu "dhacdooyin foosha xun ku tilmaamay kuwo aan loo dulqaadan karin".

Dadka deegaanka ayaa soo wariyey in dhowr iyo toban qof oo la dilay, mid ka mid ah wuxuu daaha ka rogay in roodhiyihii "ay qoosheen dhalinyaro Canfarta ah”.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay AFP in rabshaduhu ay ka bilowdeen degmada Waraabaley, halkaas oo lagu gubay guryo ay leeyihiin dad kasoo jeeda Ciisaha, kadibna ay ku fideen deegaano kale.

Daher, oo ah ganacsade maxalli ah, ayaa sheegay inuu arkay deriskiisa Canfarta oo ka cararaya gurigooda, ayaga oo ka baqaya in la gubo, fal ay dowladda Jabuuti si weyn u cambaareysay.

Degenaanshaha ayaa si weyn loo soo celiyay Isniintii, iyadoo boolis badan lagu daad-gureeyay aagagga caasimadda qaarkood, laakiin adeega internet-ka waa mid wali go'an.

Baraha bulshada ee Jabuuti ayaa maalmo aad u mashquulsanaa kadib rabshado kuwaan la mid ah oo ka dhacay dalka deriska la ah Itoobiya dabayaaqadii bishii July.

Kadib rabshadihii ka dhacay Jabuuti dhowr qof ayaa la xiray, sida ay uu tabiyey xeer ilaaliyaha guud. "Waxaan qaadaynaa tillaabooyin adag oo ka dhan ah kuwa keenay dhibaatooyinkaas iyo dambiyada ka dhaca dalkeenna," ayay tiri.

Jabuuti waxay ku sugnayd deggenaansho aan cago badan ku taagneyd, taas oo soo jiidatay quwado millatari oo shisheeye sida Faransiiska, Maraykanka iyo Shiinaha oo saldhigyo waaweyn ku leh waddankaas.

Laakiin waddanku wuxuu sidoo kale wajahayaa nabaad-guur ku yimid xorriyadda saxaafadda iyo cadaadis lagu hayo mucaaradnimada maadaama uu ku xardhay dano shisheeye.

Dakhliga guud ee Jabuuti ee qofkiiba waa qiyaastii $3,500, wuxuuna ka sarreeyaa inta badan waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, laakiin ku dhawaad ​​20 boqolkiiba dadku waxay ku nool yihiin faqri aad u daran boqolkiiba 26na waa shaqo la’aan, sida uu sheegay Bangiga Adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay in ay sii wadi doonto la dagaalanka kooxda AS

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeystay in ay doorkooda difaacan doonan.

  • Afrika

    16-11-2024

  • 07:36AM

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal kasoo yeeray dowladda Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa muujisay "sida ay uga xun tahay" hadalkaas.

  • Afrika

    15-11-2024

  • 07:45AM