Dagaal afka ah oo ka dhex-qarxay madaxda Rwanda iyo DRC Congo

Image
Weerarada ayaa waxa ay gaareen in midkood uu kan kale ku tilmaamay inuu lamid yahay Adolf Hitler.

KIGALI, Rwanda - Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa xoojiyay weerarrada dhanka afka ah ee uu ku hayo dhiggiisa Rwanda wuxuuna gaarsiiyay heer kale isagoo barbar dhigay Adolf Hitler.

Félix Tshisekedi ayaa sheegay in Paul Kagame uu u dhaqmayo sidii Hitler oo kale, waxaana uu intaa ku daray: "Waxaan ballan qaadayaa inuu ku danbeyn doono sidii Hitler".

Isaga oo la hadlayay taageereyaashiisa, Mr Tshisekedi oo u ololeynaya in dib loo doorto ayaa khudbad ka jeedinayay isu soo bax ka dhacay magaalada Bukavu oo ku dhow xadka Rwanda.

Wuxuu inta badan ku eedeeyay Rwanda inay taageerto fallaagada gacanta ku haysa bariga dalkiisa, taasoo ay weligeed diidi jirtay xukuumadda fadhigeedu yahay Kigali.

Afhayeen u hadlay dowladda Rwanda una jawaabay madaxwayne Tshisekedi ayaa ku tilmaamay hadalka madaxweynaha Congo mid "hanjabaad indho la'aan iyo qaylo ah".

Hitler, oo mas'uul ka ahaa dhimashada malaayiin, oo ay ku jiraan lix milyan oo Yuhuudi ah oo ku dhintay Holocaust, ayaa naftiisa ku dilay meel kayd ah oo ku taal caasimadda Jarmalka, Berlin, 1945-kii.

Mr Kagame ayaa ahaa siyaasiga ugu tunka weyn Rwanda tan iyo dhamaadkii xasuuqii 1994-tii, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 800,000 oo qof oo ay xasuuqeen qowmiyada Hutu oo beegsaday Tutsiga ee laga tirada badan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM