Dalal ay kamid tahay Soomaaliya oo loogu deeqay $26 milyan

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa lacagtan waxay ku leedahay qoondo dhan $8,086,875 milyan.

NAIROBI, Kenya - Hay’adda Cunada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqdey in lacag dhan $26 milyan ka heshay dowladda Jarmalka, sidda uu daabacay wargeyska The Star.

Lacagtan ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo bulshooyinka ku nool afar waddan oo ku yaalla bariga Afrika oo ay abaaruhu saameeyeen.

Lacagtan ayay FAO sheegtay in ay ku bixin doonto cunto iyo agabka kale ee aasaasiga ah. Wadamadda loo kala qeybinayo lacagtan ayaa ah Kenya, Itoobiya, Soomaaliya iyo Suudaan.

Lacagtaas ayaa Itoobiya waxay heli doontaa $7,547,750 milyan, Kenya ($7,008,625 milyan), Soomaaliya ($8,086,875 milyan) iyo Suudaan ($4,313,000 milyan).

"Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda Jarmalka deeqdan deeqsinimada leh ee ay soo marsiisey FAO si wax looga qabto abaarta ee Bariga Afrika waqti xasaasi ah," ayay FOA ku yiri war qoraal ah.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Xaaladda hadda jirta waxay muujinaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo in la bixiyo gargaar bani'aadamnimo oo heersare ah. Waa inaan muujinaa doorka muhiimka ah ee beeralayda si loo gaaro mustaqbal waara oo dadka gobolka".

Taakuladan maaliyadeed ayaa si gaar ah waxaa loogu bixin doonaa abuurka, qalab, adeegyo la kabo iyo bacrimiyeyaasha, quudinta xoolaha iyo taageerada gaadiidka biyaha ee xoola-dhaqatada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM