Dalal muwaadiniintooda ku booriyey in ay ka baxaan Itoobiya

Image
Colaadda Itoobiya oo sanad jirsatay ayaa horseeday dhimashada kumanaan iyo barakaca malaayiin.

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudi Carabiya ayaa Jimcihii ku boorisay muwaadiniinteeda ku sugan Itoobiya inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dalkaas, iyadoo ay walaac ka muujinayaan dagaalameyaasha Tigreega ee duulaanka ku ah caasimadda Addis Ababa.

"Safaaradda Sacuudiga ee Itoobiya waxay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta Sacuudiga ee ku sugan Itoobiya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, iyadoo la eegayo xaaladda hadda jirta,” ayay safaaradda ku tiri hadal ay soo saartay, iyadoo ku boorisay muwaadiniinta inay aad u taxaddaraan oo ay feejignaadaan.

Mareykanka ayaa horey ugu tartarsiiyey muwaadiniintiisa in ay si iskood ah uga hayaamaan Itoobiya isla markaana aysan wax taageero ah ka filan xukuumada Washington.

Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa isbahaysi la samaystay siddeed kooxood oo kale oo dawladda ka soo horjeeda si ay meesha uga saaraan xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

Waa xaaladdii ugu dambaysay ee dagaal muddo sannad ah socday oo galaaftay nolosha kumannaan qof, kuna barakacay in ka badan laba milyan oo qof.

Ciidamada Tigreega iyo kuwa huwanta ah ayaa ku hanjabay in ay mari doonaan magaalada Addis Ababa. Ciidamada Itoobiya ayaa isku diyaarinaya iska hor imaad waxayna ka codsadeen ciidamada milatariga ee shaqada ka fadhiistay inay dib ugu biiraan ciidanka si ay ula dagaalamaan ciidamada Tigreega.

Beesha Caalamka ayaa soo cusboonaysiisay baaqyo ku aaddan xabbad-joojin. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Khamiistii sheegay: "Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Itoobiya in ay joojiso ololaheeda milateri, oo ay ku jiraan duqeymaha cirka ee xarumaha dadka ee Tigrayga iyo abaabulka maleeshiyooyinka qowmiyadaha".

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan ugu baaqaynaa ciidamada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) iyo Oromo Liberation Army (OLA) inay si deg deg ah u joojiyaan horumarka ay hadda ku wajahan yihiin Addis Ababa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM