Dalalka Galbeedka Afrika oo sameysanaya hal lacag

Image

ACRA, Chana -  Hoggaamiyeyaasha Galbeedka Afrika ee goobjoogga ka ahaa shir-madaxeedkii ka dhacay Ghana Sabtidii ayaa isku raacay khariidad cusub oo waddo ah oo lagu sameeyo lacag ay ku mideysan yihiin sanadka 2027-ka.

Ururka ayaa qorsheynayay inay soo saaraan lacag guud sanadkaan laakiin dib ayey u dhigeen qorshaha sababo la xiriira caqabadaha ka imanaya cudurka faafa ee coronavirus.

Madaxweynaha Gudiga ECOWAS, Jean-Claude Kassi Brou oo ay soo xigatay majalada The Africa News, ayaa daaha ka rogay in aafada ay ka curyaamisay qorshayaashii lagu fulin lahaa heshiiska isu-tagga.

"Waxaan leenahay khariidad cusub oo waddo ah iyo heshiis cusub oo iswaafajin ah oo dabooli doona muddada u dhexeysa 2022-2026, iyo 2027 oo ah bilowga eco," ayuu yiri.

Lacagta, oo loo yaqaan ECO, ujeedadeedu waa in lagu beddelo CFA Franc oo laga adeegsado dalalka uu gumeystay Faransiiska. Taageerayaasha ECO waxay aaminsan yihiin in ay ka saareyso ku tiirsanaanta iyo ka faa'iideysiga Paris.

Hase ahaatee, wadamada qaar sida Nigeria iyo Ivory Coast ayaa lagu eedeeyay inay lugta jiidayaan arinta. Shir madaxeedka ayaa sidoo kale looga hadlay qalalaasaha siyaasadeed ee Mali.

Ururku wuxuu hakiyay xubinimadii Mali ka dib afgembigii lagu riday dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee dalkaas dhammaadkii bishii May. Laakiin shirku ma qaadin xayiraadda Bamako inkasta oo la sheegay 'horumarkii wanaagsanaa'.

Hogaamiyaha inqlaabka, Colonel Assimi Goita, ayaa waxaa loo dhaariyay xilka madaxweynenimo halka Choguel Maiga oo ah ra'iisul wasaare loo dhaariyay xilka wasiirka koowaad.

Goita oo ka hadlay madalo kala duwan ayaa wuxuu wacad ku maray inuu ku dhegan yahay jadwalkii hore ee kala guurka kaasoo qeexayay doorashooyinka iyo dib ugu laabashada xukunka rayidka bishii Febraayo 2022-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM