Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu gowracay Itoobiya [Akhri Sababta]

Image

JIGJIGA - Nabadoon Maxamed Maxmuud oo kamid ah Wax-garadka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay in Rag hubeysan oo kasoo jeeda Oromadda ay gawraceen 5 dhalinyaro Soomaali ah.

Falkaan oo ka dhacay Tuuladda Guuleed oo u dhaxeysa Xuduudka goboladda Oromada iyo Soomaalida Itoobiya uu ka dambeeyay markii weerar gaadmo ah lagu soo qaaday goob ay kuwada sugnaayeen dhalinyarada.

Maxamed ayaa cod dheer ku sheegay in dilkan foosha xun uu yahay mid sii hurineya colaadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromadda, wuxuuna ku goodiiyay inay ka bixin doonan Jawaab cad saacadaha soo aadan.

"Run ahaantii waxaa wax laga naxo in Dad nool ka gawracay horeyna ma aysan noosoo marin, balse, waxaan u aragnaa inay tahay wax laga xumaado oo sii hurin karta colaadda, laakiin waxaan ka bixin doonaa Jawaab cad," ayuu Oday dhaqameedka ku goodiyay.

Soomaalida Itoobiya iyo Oromadda dalkaas ayaa waxaa dhawaanahaan ka dhaxeysa colaad, taasoo aan si dhab ah loo ogayn waxa aysalka ku hayso, wallow wararka is-khilaafsan ay kasoo baxayaan.

Colaadaan oo muddo sii jiitamaysay ayaa barakicsay boqolaal qof oo Rayid ah, kuwaasoo waqti xaadirkaan aan haysan nolal wanaagsan, islamarkaana qaarkood ay gabi ahaanba isaga guurayn Hoygooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in colaadda udhaxeysa Soomaalida Itoobiya iyo Qowmiyadda Oromadda oo kamid ah kuwa ugu waa weyn ee Itoobiya dega, ay waji cusub yaalaneysa, iyadoo masuuliyiinta labadda gobol ay ku fashilmayn sida la sheegay inay xal waara ka gaaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM