Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu gowracay Itoobiya [Akhri Sababta]

Image

JIGJIGA - Nabadoon Maxamed Maxmuud oo kamid ah Wax-garadka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay in Rag hubeysan oo kasoo jeeda Oromadda ay gawraceen 5 dhalinyaro Soomaali ah.

Falkaan oo ka dhacay Tuuladda Guuleed oo u dhaxeysa Xuduudka goboladda Oromada iyo Soomaalida Itoobiya uu ka dambeeyay markii weerar gaadmo ah lagu soo qaaday goob ay kuwada sugnaayeen dhalinyarada.

Maxamed ayaa cod dheer ku sheegay in dilkan foosha xun uu yahay mid sii hurineya colaadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromadda, wuxuuna ku goodiiyay inay ka bixin doonan Jawaab cad saacadaha soo aadan.

"Run ahaantii waxaa wax laga naxo in Dad nool ka gawracay horeyna ma aysan noosoo marin, balse, waxaan u aragnaa inay tahay wax laga xumaado oo sii hurin karta colaadda, laakiin waxaan ka bixin doonaa Jawaab cad," ayuu Oday dhaqameedka ku goodiyay.

Soomaalida Itoobiya iyo Oromadda dalkaas ayaa waxaa dhawaanahaan ka dhaxeysa colaad, taasoo aan si dhab ah loo ogayn waxa aysalka ku hayso, wallow wararka is-khilaafsan ay kasoo baxayaan.

Colaadaan oo muddo sii jiitamaysay ayaa barakicsay boqolaal qof oo Rayid ah, kuwaasoo waqti xaadirkaan aan haysan nolal wanaagsan, islamarkaana qaarkood ay gabi ahaanba isaga guurayn Hoygooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in colaadda udhaxeysa Soomaalida Itoobiya iyo Qowmiyadda Oromadda oo kamid ah kuwa ugu waa weyn ee Itoobiya dega, ay waji cusub yaalaneysa, iyadoo masuuliyiinta labadda gobol ay ku fashilmayn sida la sheegay inay xal waara ka gaaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM