Dhisme ku yaala Nairobi oo loo xiray cabsi laga qabo qarax

Image
Dhismahan ayaa si gaar ah wuxuu ugu yaalaa xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

NAIROBI, Kenya - Dhisme ku yaalla xaafada ay Soomaaliduku badan tahay ee Islii, Nairobi, caasimadda dalka Kenya ayaa la xiray Khamiista maanta sababo ku aadan cabsi laga qabo qarax.

Warbixinnada laga helayo laamaha ammaanka ayaa tilmaamaya in dad aan la garanayn ay kaga tageen qoraal hanjabaad ah mid ka mid ah wiishashka Yare Towers ee Garissa Lodge.

Taliyaha bilayska qaybta Starehe (OCDP) oo war-saxaafadeed kooban soo saaray ayaa xaqiijiyey in kooxda ka hortagga bambooyinka loo diray goobta si ay u xaqiijiyaan nabad-gelyadda.

Sida warsidaha Garowe Online u sheegay qof arkay warqadda, waxaa ku qornaa "in daqiiqad kasta oo kamid ah saacadaha soo aadan uu qarax ka dhici karo dhismaha".

"Kadib waxaa goobta ka dhacay kala carar uu qof kasta ku badbaadsanayo nafsadiisa," ayuu yiri goobjoogaha oo magaciisa uga gaabsadey cabsi amni maadaama dhacdadu xasaasi tahay.

Illaa haatan, lama soo warin qof loo xiray dhacdadan maadaama dhowr jeer oo horey ay u dhacdey arrintan oo kale xabsi loo dhigay shaqsiyaad qaarkood markii dambi lagu waayey lasoo daayey.

Kenya ayaa kamid ah wadamada Geeska Afrika ee kooxda Al-Shabaab ay ka fuliso weeraro wallow bilooyinkii lasoo dhaafay ay caasimadda Nairobi wajihin rabshado amni oo kaga yimid maleyshiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM