Doon ay la socdaan 400 muhaajiriin Afrikaan ah oo halis wajahaysa

Image
Doonidan ayaa ku sabaynaysa badda inta u dhexeysa wadamadda kala ah Giriiga iyo Malta.

ROMA, Talyaaniga - Doon ay saaran yihiin ku dhawaad ​​400 oo qof ayaa waxay ku sabaynaysa badda inta u dhexeysa Giriiga iyo Malta, sidda laga soo xigtey hay'adda maxaliga ah Alarm Phone oo ay soo xigatay Reuters

Dhacdadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa ka dib markii ay korortay doonyaha ay la socdaan muhaajiriinta ee ka soo gudbaya badda Mediterranean-ka kana imaanaya Waqooyiga Afrika.

Alarm Phone ayaa Twitter-ka ku sheegtay in laga soo wacay doonidan oo ka soo duushay magaalada Tobruk ee dalka Liibiya xilli habeen saq dhexe ah lagana codsadey in ay gaarsiiyaan mas'uuliyiinta.

"Laakiin mas'uuliyiintu ma aysan billaabin howlgal samatabbixin ah ilaa waqti xaadirkan," ayay hay'adda Alarm Phone ku qortey ciwaanka ay ku leedahay mareegga Twitter-ka.

Hay'adda NGO-ga ah ee laga leeyahay Jarmalka ee Sea-Watch International ayaa barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay doonida balse mas'uuliyiinta matla ay amar ku bixiyeen in aan lasoo badbaadin karin.

Toddobaadkii hore 440 muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay Malta ka dib hawlgal 11 saacadood qaatay oo ay badda ka fuliyeen Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF).

Ugu yaraan 23 Tahriibayaal Afrikaan ah ayaa la la’yahay 4 kalena waa ay dhinteen Sabtidii kadib markii laba doonyood oo ay la socdeen ay ku degtay dalka Tunisia, xilli ay doonayeen in ay gaaraan waddanka Talyaaniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM