Dowladda Burkina Faso oo xayiraad adag kusoo rogtay BBC iyo VOA

Image
Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

NAIROBI, Kenya - Burkina Faso ayaa shaqada ka joojisay BBC-da iyo Voice of America, kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

"Waxaa BBC iyo VOA laga joojiyay baahinta wararka, waxaana la mamnuucay mareegaha labada hay’adood muddo labo toddobaad ah," sida ay saraakiishu sheegeen.

Warbixinta ay soo saartay Human Rights Watch (HRW) oo ah koox fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, ayaa ku eedeysay militariga Burkina Faso inay xasuuqeen ugu yaraan 223 qof oo rayid ah bishii February.

Milatarigu waxa ay awoodda dalka ku leeyihiin galbeedka Afrika tan iyo sannadkii 2022-kii inqilaabkii. Hase ahaatee, illaa waqti xaadirkan ma aysan ka hadlin eedeymaha HRW.

Agaasimaha isgaarsiinta ee ciidanka oo ay soo xigatay saxaafadda gudaha ayaa sheegay in uu dib ugu laaban doono BBC-da hadii iyo marka ay wax sheegaan.

Voice of America (VOA) waxay ku sheegtay "inay ku adkeysaneyso warbixinteeda ku saabsan Burkina Faso ayna ku talo jirto inay si buuxda oo cadaalad ah u tabiso hawlaha dalka".

Sikastaba, Warbixinta HRW ayaa waxa ay sheegtay in militariga Burkina Faso ay 179 qof ku dileen Soro halka 44 kalena ay ku dileen tuulada Nondin ee ku taal waqooyiga dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM