Dowladda Congo oo ka falcelisay warar sheegaya in ciidamda ay la wareegeen talada dalka

Image

BRAZZAVILLE, Congo - Wasiirka isgaarsiinta iyo afhayeenka xukuumadda ee Congo-Brazzaville ayaa beeniyay jiritaanka wararka sheegaya in afgambi militari xilka looga tuuray madaxweyne Denis Sassou Nguesso, oo dalka xukumayay 26 sano.

Waxaa baraha bulshada ku wareegayay warar ku saabsan isku day afgambi ee ka socda Congo-Brazzaville ee ka dhanka ah madaxweyne Denis Sassou Nguesso.

Wasiir Thierry Mongalla ayaa ku sheegay boggiisa gaarka ah ee “X” fiidnimadii Axadda: “Dowladdu way beenisay wararkaas xanta ah, waxayna xaqiijinaysaa inuusan jirin afgambi militari oo ka dhacay Brazzaville."

Tani waxay ku soo beegantay xilli Afrika ay ka socdaan afgambiyo badan oo ka qabsoomay dalalka Mali, Burkina Faso, Niger, iyo ugu dambeyntii Gabon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM