DRC: Dabley afar qof ku dishay goob laga qodo dahabka

Image
Sannadkii hore, sagaal qof oo Shiinees ah ayaa lagu dilay goob kale oo dahab laga qodo.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay weerar ay dabley ku qaaday magaalo uu Shiinaha ka qodayay dahab oo ku taalla Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Maxime Balalu, oo ah afhayeenka dawladda hoose, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in jabhad la safan madaxweynihii hore ee Francois Bozize, ay fuliyeen weerarka oo ka dhacay Gaga, oo ah tuulo qiyaastii 125 mayl (200 kilomitir) u jirta. caasimada Bangui.

Balalu ayaa intaas ku daray in laga yaabo in dhimashadu ay intaas ka badato. "Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka," ayuu yiri Balalu oo xaalad cabsi ah ku hadlayay.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa waxaa ka socday colaad tan iyo sannadkii 2013-kii, markaasoo fallaagada Muslimiinta u badan ay la wareegeen awoodda, ayna ku qasbeen inuu xilka ka dago madaxweyne Francois Bozize.

Heshiis nabadeed oo 2019 dhacay ayaa kaliya yareeyay dagaalka, lix ka mid ah 14-kii kooxood ee hubaysnaa ee saxiixay markii dambe way ka baxeen heshiiska. Isbahaysiga Isbadelka Wadaniga waxa la aas aasay 2020 kadib heshiiskii.

Dalku waxa uu weli ka mid yahay kuwa ugu saboolsan adduunka in kasta oo uu haysto keyd kehryaad aad u badan oo isugu jira macdan, dahab, dheeman iyo kuwo kale.

Sannadkii hore, sagaal qof oo Shiinees ah ayaa lagu dilay goob kale oo dahab laga qodo oo ku taalla Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, xilligaasoo uu dhacay weerar ay dowladdu ku eedaysay isla xulafada fallaagada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM