Duqeyn rayid badan ku dishay suuq yaala gobolka Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Tobanaan ayaa lagu waramay in la dilay markii duulaan cirka ah lagu qaaday suuq mashquul badan oo ku yaala tuulada Togoga ee waqooyiga Ethiopia ee Tigreega.

Wakaaladda wararka AP ayaa warkaan faafisay iyadda oo soo xiganeysa goobjoogeyaal, dadka degaanka iyo shaqaalaha caafimaadka oo laga hor istaagay inay u safraan goobta.

Qaar ka mid ah dhaawacyada oo xaaladoodu qaar ay tahay mid aad u liidato ayaa, sida ku xusan warbixinta, waxaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaal Mekele, xarunta gobolka Tigray.

"Ugu yaraan 80 qof oo shacab ah ayaa ku naf-waayey duqeynta," ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha caafimaadka oo magaciisa uga gaabsaday sababo la xiriira baqdin ku aadan nafsadiisa.

Ma cadda cidda ka dambeysa duqeymahan. Hase ahaatee, ciidanka Itoobiya ayaa loo badinayaa in ay ka dambeeyaan maadaama ay ayaga yihiin kuwa kaliya ee haysta diyaaradaha.

Ciidanka Eritrea kama howlgalaan aagaas. Sidoo kale, jabhadda xorreynta Tigray ayaanan haysan diyaarad ay ku fulisa duqeyn dhanka cirka ah, sida ay rumeysan yihiin kormeereyaasha.

Duqeynta ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan dagaalada ka socda gobolka tan iyo bishii November ee la soo dhaafay xilligaas oo dowladda federaalka Itoobiya ay meesha ka saartay dowlad gobolleedka ay maamusho Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray.

Sida ay ku warameen kooxaha samafalka iyo ururadda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxay galaafteen kumanaan qof waxayna in ka badan 2 milyan oo qof guryahooda ka barakiciyeen.

Xukuumadda Abiy Axmed Cali ayaa duulaanka ay ku qaadey gobolkan ku yaala waqoyga Itoobiya waxay ku muteystay cambaareyn caalami ah iyo digniin ku saabsan tacadiyada bini'aadanimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Ghana oo lagu daray Liiska Cas ee Interpol

Ofori-Atta, oo la rumeysan yahay inuu dalka dibaddiisa u joogay daawayn caafimaad, ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay.

  • Afrika

    07-06-2025

  • 09:23AM

Taliyaha AFRICOM: Wuu Dhammaaday Xilligii Afrika Ku Tashanaysay Taageerada Milatari ee Maraykanka

Isbeddelkan siyaasadeed ayaa noqonaya caqabad cusub oo hor taagan dalal badan oo Afrikaan ah.

  • Afrika

    31-05-2025

  • 11:37AM