Duuliye dejiyey diyaarad iyaddoo uu dhabarka ka saaran yahay mas

Image
Falkan dhacay Isniinta todobaadkii hore ayaa lagu tilmaamay "geesinimo aan qiimaheeda la qeexin karin".

CAPE TOWN, Koonfur Afrika - Duuliye u dhashay dalka Koonfur Afrika oo degdeg usoo dejiyey diyaaradii uu waday kadib markii mas sun ah uu isku-duubay kursigiisa ayaa lagu ammaanay "geesinimada aan la qiyaasi karin uu muujiyey".

Rudolf Erasmus ayaa waday diyaarad oo khaas ah oo ay la socdeen afar rakaab ah oo ka yimid Bloemfontein kuna socday Pretoria horaantii todobaadkan kadib markii uu dareemay in mas Cobra ah uu dushiisa ku wareegayo.

In kasta oo uu cadaadis ba’an ku hayay, haddana waxa uu si xor ah diyaaradda ugu soo dejiyey Welkom, oo ah magaalo aan dhabo-diyaaradeed fiican lahayn isla markaana baadiyo ah.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan Rudolf ugu hambalyeeyo tillaabooyinka geesinimada leh ee uu qaaday iyo sida uu u maareeyay wax noqon kara shil diyaaradeed oo weyn," ayuu yiri maamulaha Hay'adda Duulista Rayidka ee Koonfur Afrika (SACAA), Poppy Khoza.

Khoza ayaa hadalkiisa ku daray: “Wuxuu isdejiyay markii ay soo wajahday xaalad halis ah, wuxuuna ku guuleystay inuu si nabad ah ku dejiyo diyaaradda, iyadoo aan wax dhibaato ah soo gaarin isaga iyo rakaabkii diyaaradda, isagoo caalamka u soo bandhigay inuu yahay safiirka badqabka duulista ee heerka ugu sarreeya".

Erasmus ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in uu ka war helay masku intii uu ku guda jiray duulimaadka kadib markii uu dareemay wax qabow oo dhabarka ka saaran.

"Markii hore waxaan u maleeyay inay tahay caagadeyda biyaha...laakin markaas waxaan gartay inay wax kale tahay (sidaas darteed) ma dhaqaaqin," ayuu u sheegay News24. Dhacdadan ayaa dhacday Isniintii.

Maska Cobras Cape ayaa inta badan waxaa laga helaa koonfur-galbeed ee Koonfur Afrika waxayna leeyihiin sunta nooca lagu magacaabo neurotoxic ah taasoo halis ah oo u baahan daaweyn degdeg ah isla marka uu ku qaniino xayawaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM