Emmanuel Macron oo shaaciyey istaraatiijiyadiisa cusub ee Afrika

Image
Hadal-jeedintan ayaa laga bixiyey falcelino kala duwan. Dadka qaar ayaa ku qeexay "in uusan ka muuqan biseyl".

PARIS, France - Madaxweynaha Faransiiska ayaa khudbad uu jeediyay waxa uu kusoo bandhigay istaraatiijiyaddiisa ku aaddan Afrika ka hor inta uusan u ambabixin socdaalkiisa qaaradda hodanka ah.

Emmanuel Macron ayaa lagu waddaa in uu booqasho ku tago wadamadda kala ah Gabon, Angola, Jamhuuriyadda Congo iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Macron oo hadal-jeedintiisa ka dhex-sameeyay Aqalka Madaxtooyadda ayaa waxa uu ku caddeeyay in dalkiisu ay tahay "in uu hoos isku-dhigo marka ay tahay la macaamilka Afrika".

Hogaamiyahan da'da yar waxa uu sheegay in Faransiisku uu joojin doono marti gelinta saldhigyada milatari ee caadiga ah ee Afrika, taa beddelkeedana uu dhisi doono "tacliin" oo ay wada maamulaan Faransiiska iyo dalalka martida loo yahay.

Falcelino kala duwan ayaa laga bixiyey khudbadan iyadoo dadka qaar ay sheegeen in Macron uu si fudud dib ugu soo celiyay mowduucyo uu kaga hadlayay siyaasadda Faransiiska ee Afrika oo uu jeediyay booqashadii hore ee qaaradda 2017-kii.

Xiriirka Faransiiska uu la leeyahay dalalkii ay horay u gumeysan jireen ee Mali iyo Burkina Faso halkaas oo uu saameyn badan ku yeeshay ayaa si weyn hoos ugu dhacay bilooyinkii dambe.

Faransiiska oo haatan ku dadaalaya soo celinta galaangalkiisa manqidadda ayaa bishii hore waxa uu ciidamadiisa kala baxay Burkina Faso, sida ay dalbadeen taliska milateriga.

Paris ayaa sidoo kale ciidamadeeda kala baxday Mali sanadkii hore ka dib markii taliska militariga ee xukunka la wareegay uu doortay inuu la shaqeeyo koox ka tirsan ciidamada Ruushka ee Wegner.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan oo u yeertay safiirkeeda Kenya kadib Shirkii RSF ee Nairobi

Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum.

  • Afrika

    21-02-2025

  • 12:37PM

Kenya oo ka jawaabtay eedeyn uga timid dowladda militeriga Sudan

Dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Sudan iyo xoogagga RSF ayaa sababay dhimashada in ka badan 24,000 oo qof.

  • Afrika

    20-02-2025

  • 12:44PM