Ethiopia: Digniin loo diray diyaaradaha dulmaraya Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia -  Hay'adda Duulista Hawada Federaalka Mareykanka ayaa ku amartay diyaaradaha dul maraya Itoobiya inay ka fogaadaan gobolka Tigray ama ay joogteeyaan joog sare, sidda ay daabacdey saxaafadda maxaliga ah.

Ogeysiis ku socda shirkadaha duulimaadyada - labaduba kuwa maxaliga iyo kuwa caalamiga ah - oo la soo saaray Khamiistii ayaa faraya duulimaadyada dul maraya Tigray inay kor u dhaafaan 29,000 oo fiit.

Digniintan ayaa la rumeysan yahay in ay muujinaysa heerka halista ah colaadaha iyo dagaalameyaasa maxalliga ah ee ku hoos jira Ciidamada Difaaca ee Tigray ee loo yaqaano TPLF.

Dowladda Itoobiya ayaa Isniintii soo saartay xabad-joojin hal dhinac ah, iyada oo u cuskatay waxyeelada dagaalka iyo dhibaatada bani'aadamnimo ee sababay in ka badan 400,000 oo qof oo wajahaya macluul, iyo malaayiin kale oo barakacay.

Balse TDF, oo ah koox dagaalyahano ah oo daacada u ah xisbigii xukunka hayey ahna Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigreega [TPLF], ayaa sii wada inay dib ula wareegaan magaalooyinkii ay kal hore ka talin jireen Ciidamada Itoobiya iyo Ereteriya.

TDF oo gaashaanka ku dhufatay baaqa xabad-joojinta ee Dowladda Itoobiya ayaa la tuhunsan yahay in ay wali awood u leedahay inay soo dejiso diyaaradaha ku duulaya joog hoose.

Toddobaadkii hore, Afhayeenka TPLF, Getachew Reda wuxuu ku andacooday in kooxdiisu ay soo ridday diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo ay leedahay Itoobiya, sheegashadaas oo ay Itoobiya beenisay.

Saraakiisha xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayaa ku nuux-nuux-saday in diyaaradda ay soo dhacday kadib markii ay soo wajahdey cilad farsamo.

Khamiista, maleeshiyada Amxaarada ee xulafada la ah Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa tibaaxay inay burburiyeen buundo weyn oo isku xirta labada gobol ee federaalka taasoo caqabad ku noqon karta gaarsiinta gargaarka bini'aadanimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM