EU: Hogaanka Itoobiya wuxuu rabaa ciribtirka dadka Tigreega

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Hogaanka Itoobiya ayaa sheegay horaantii sanadkaan in ay "ku tirtirayaan Tigreega muddo 100 sano ah", sidda uu sheegay ergayga gaarka ah Midowga Yurub ee wadankan dagaaladu aafeeyeen.

Hadalada Pekka Haavisto, wasiirka arimaha dibada ee Finland, oo sharraxaya wada hadaladii uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo wasiiro kale bishii Febraayo ayaa ah kuwa ugu adag ee wali ka taagan khilaafka ka taagan gobolka dhaca waqooyiga Ethiopia.

Dhawaqan ayaa sidoo kale wuxuu kusoo hagaagayaa kadib fadhi su'aallo waydiin ah oo Talaadadii uu la yeeshay guddi ka tirsan baarlamaanka wadamadda qaaradda Yurub.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya oo durba ka jawaabtay dhawaqa ergayga ayaa ku gacan seyrtay dhamaan sheegashooyinkiisa waxay ku sifeysay in ay yihiin kuwa been abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn.

Lataliyaha gaarka ah ee Haavisto, Otto Turtonen, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ergaygu "uusan wax faallo dheeraad ah ka bixin arrintan".

Bishii Febraayo, wuxuu sheegay inuu "laba maalmood oo xasaasi ah kulammo muhiim ah" la qaatay Abiy - oo ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee sannadka 2019 - iyo "wasiiro muhiim ah" kalana hadlay dhibaatada sii kordheysa ee bani'aadamnimada ee Tigray, halkaas oo kumanaan rayid ah lagu dilay ayna macluul ku wajahayaan ku dhowaad 6 milyan oo ruux.

Sikastaba, iyadda oo dagaalka uu wali socda lana soo sheegayo xasuuqyo, kufsi iyo gaajo baahsan, hadalka ergayga EU-da wuxuu dab kusii shidayaa xaaladda kahor doorashooyinka soo aadan ee sidda baaxadda weyn isha loogu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM