Gaadiid ku xaniban inta u dhaxaysa Mandheera iyo Wajeer

Image

Mandheera (GO) - Deegaanka Kutulo Mandheera ayaa waxaa ku xaniban ku dhawaad 30 Gaadiidka Xamuulka ah kuwaasi oo halkaasi ku xaniban labadii todobaad ee u danbeeyay.

Gaadiidkaan oo sia khudaarta ayaa halkaasi ku xaniban iyada oo lagu waramay in ay u raran yihiin inta badan Ganacsato haween ah oo gaaraya ilaa 150.

Cabdi Ibraahim oo kamid ah Darawalada gaadiidkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in deegaanka ugu dhaw ee ay ka helayaan cuno iyo makhaayado uu u jiro ilaa 2KM isla markaana ay u lugeeyaan ilaa labo saac.

''Baabuur isku dayay in ay wareegaan dhinacaan Tarbaji iyaguna dhiiqo ayay galeen waxaana gaadiidkaanu ay yihiin dhamaantood kuwa xamuulka qaado''.

Khudaarta, Cambaha, Babaayga, Avecado iyo Yaanyada ayaa u badan xamuulka Gaadiidkaan iyada oo ganacsatada danyarta ee Mandheera ay ku socoto maalmaha ay xaniban yihiin khasaaro aan laga kabsan karin sida Cabdi Ibraahim uu sheegay.

''Magaalada khudaar la'aan iyo nafaqo la'aan ayaa loo dhimanayaa in Deg-deg loo furo wadadaas ayaa loo baahan yahay''.

Iyada oo lagu jiro Xilli roobaadka ayaa deegaanadaasi waxaa saamayn ku yeeshay roobabka iyada oo Darawaladu ay codsanayan in Dayactir lagu sameeyo wadada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM