Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Image
Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan falka dilka ah ee dhacay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxo burcad ah ayaa xalay wadanka Koofur Afrika ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dhalinyarada u shaqa doonatay wadankaasi ee sida weyn loo yaqaanay wadankaas.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Xasan (Balaakii), ayaa dilkiisu ka dhacay deegaanka Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in burcada ay rasaas dhowr xabo ah kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in kooxihii falkan ka dambeeyay ay dilka kadib goobta isaga tageen iyagoo wax dhac ah aaney u geysan muwaadinka Soomaaliga ah ee ay dileen oo ku ganacsanayay gaari uu ku wareejin jiray Rootiga.

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan falka dilka ah ee dhacay balse majiraan dad loo soo qabtay dhacdadaan oo caadi ka aheed wadankaan mudo dheer.

Urur ay ku midaysanyihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaan ayaa cambaareeyay weerarada aan kala joogsi lahayn ee lagu beegsanayo ganacsato Soomaaliyeed.

Waxa uu intaasi ku dareen in wax laga xumaado ay tahay in tuugta ay beegsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana maamulka deegaanka aysan ka hadlin arrintaasi.

Soomaali badan oo nolol  ka wanaagsan mida dalkooda u raadsaday Koofur Afrika ayaa si joogto ah ula kulma weeraro iskugu jira dil, dhawaac iyo dhac aan loo aaba yeellin halka maamulada deegaankana ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan dhibaatada lagu haayo soo galootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM