Garoon uu madaxweyne ka dhoofi lahaa oo la weeraray

Image
Shaqaalaha madaarkan caalamiga ah ayaa laga soo xigtey inay maqlayeen jugta hoobiyeyaasha iyo rasaasta.

GITEGA, Burundi - Mucaaradka hubeysan ee Burundi ayaa ku dhawaaqay inay weerar habeenimo ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee caasimada ganacsiga waddankaas ee Bujumbura.

Kooxdan lagu magacaabo RED-Tabara ayaa shaaca ka dhigtey inay soo tuureen madaafiic isla markaana ay la dagaalameen milatariga in ka badan muddo ku suntan hal saacad.

Shaqaalaha garoonka ayaa laga soo xigtey inay maqlayeen jugta hoobiyeyaasha iyo rasaasta balse waxay intaas ku dareen in uusan wax hakad ku imaan guud ahaan shaqada duulimaadka.

Isaga oo u muuqanaya mid dafiraya weerarka, afhayeen u hadlay ciidamada Burundi ayaa u sheegay BBC-da qeybteeda dunida la hadasha in uusan ka warqabin weerar.

Dhacdadan ayaa lasoo wariyey saacado ka hor markii madaxweyne Evariste Ndayishimiye lagu waday inuu u duulo New York si uu uga qeybgalo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

RED-Tabara ayaa saldhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waana mid ka mid ah jabhadaha aadka u hubeysan ee la dagaalama gudaha waddanka Burundi.

Burundi oo rasmi ahaan loo yaqaano Jamhuuriyadda Burundi, waa dal aan bad lahayn oo ku yaal Dooxada Weyn ee Rift halkaas oo ay isku tagaan harooyinka Weyn ee Afrika iyo Bariga isla qaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM